Iyadoo dhinacyadii maalin ka hor ku
dagaalamay magaalada Kismaayo ay wali isku hor-fadhiyaan qeybo ka mid ah
magaalada, ayaa waxaa fashil ku yimid kulamo la doonayo in xal looga gaaro
xiisada ka taagan magaalada ee u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ee ka wada
tirsan Maamulka KMG ah ee Kismaayo.
Sida ay sheegayaan wararka wada
hadalo shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan
Ciidamada Kenya la isku mari waayay, kadib markii dhinac ka mid ah
maleeshiyadii dagaalantay ay dalbatay in daaraha ay saaran yihiin Ciidamada ka degaan,
wada hadalna la isugu yimaado.
Kulankan oo ay garwadeen ka ahaayeen
Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Kenya ayaa waxay ku guuldareysteen inay meel
dhow isugu keenaan dhinacyadii dagaalamay, waxaana kulankan qeyb ka ahaa
Saraakiisha labada dhinac, odayaal, waxgarad iyo ganacsato deegaanka ah.
Waxaa isa soo taraya baaqyo ku
wajahan sidii colaada ka dhex taagan labada ciidan lagu joojiyo, waxaana jira
eedeymo loo jeedinayo maamulka KMG oo ku aadan gacan ka hadalka ka dhacay
magaalada oo aan muddo afar sano ah intii Shabaabka maamulayeen uusan ka
dhicin.
Dhinaca kale waxaa maqan isgaarsiinta
magaalada oo shalay gelinkii dambe hawada laga saaro, waxaana taas ay sii
murjisay xiisada labada dhinac u dhaxeysa oo wali aan xal laga gaarin, inkastoo
dadaalo kala duwan ay ka socdaan Muqdisho, Gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi.
Xaalada magaalada ayaa ah mid degan,
waxaana dadka deegaanka ay jahwareer ka muujinayaan xiisadaha dhinacyada u
dhaxeeya oo magaalada qeybaheeda kala duwan isku hor fadhiya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)