Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya oo saaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo

Monday, February 25, 20130 comments


Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, si ay uga qeyb qaataan dadaalada wax looga qabanayo xiisadaha ka taagan magaalada, kadib dagaal maalin ka hor ka dhacay.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga oo ah mid heer sare ah ayaa kula kulmi doona garoonka diyaaradaha Kismaayo Saraakiisha Ciidamada AMISOM, dhinacyada maamulka KMG ku mideysan, odayaasha iyo waxgaradka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mas’uuliyiinta dowladda ay kala hadli doonaan sidii loo dhameyn lahaa colaada, loona soo afjari lahaa xiisada ka taagan magaalada oo noqotay mid si weyn u hareysay siyaasada dowladda.

Booqashada wafdigan ka socda d ayaa ah mid hal maalin ah, waxaana ay isla maanta dib ugu soo laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Sabtidii oo taariikhdu ku beegneyd 23-ka Febraayo ayaa waxaa uu dib u dhac ku yimid shirkii maamul u sameynta deegaanada Jubooyinka, iyadoo shirkaas qaban qaabiyeyaasha ay ku tilmaameen mid u baaqday markii dowladda Soomaaliya ka jawaabi weysay casuumaad loo fidiyay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay shirkaas mid aan lagu wargelin, iyagoo ugu baaqday dhinacyada qaban qaabinaya maamul u sameynta inay Muqdisho isugu yimaadeen shir wada tashi ah.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog