Labo Wiil Soomaali ah oo Laga yaabo inay ku Guuleeystan Abaalmarinta Filimka Oscar ay Bixiso Hollywoodka

Sunday, February 10, 20130 comments


Harun iyo Cali waxay kamid yihiin qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Bellville, halkaasi oo ah goobta lagu dhigay filimka ASAD oo ka hadlaya burcad badeeda Soomaalida.

Filimkan oo lagu duubay dalka Koonfur Afrika ayaa jilayaasha filimka ka qeyb qaatay dhamaantood ay yihiin dadka Qaxootiga Soomaalida ah ee ku dhaqan koonfur Afrika. Filimka Asad ayaa ka hadlaya sheekada cunug soomaali ah oo kusoo koray tuulo xeebta ku taal oo ay faro ba’an ku hayaan kooxaha burcad badeeda.

Harun iyo Cali ayaa lagu wadaa in dhawaan ay u dhoofaan dalka Maraykanka si ay uga qeyb qaataan xaflada caalamiga ah ee Oscar oo ka dhacda sanad walba magaalada Los Angels ee dalka Maraykanka, xafladaasi oo sanadkaani dhici doonta 24ka bishan Feberaayo.

Soo saaraha filimkan Rafiq Samsodien ayaa sheegay inuu hada ku mashquulsan yahay siduu uu Baasaboor ugu sameyn lahaa labadan wiil iyo aabahood oo lagu magacaabo Mahdi Hassan Mohamed.

Huran iyo Cali ayaa reerkooda kasoo qaxeen dalka Soomaaliya, iyagoo soo maray wadanka Musambiik, kahor inta aysan imaan dalka Koonfur Afrika sanadkii 2004. Waxayna soo saarayaasha filimkan ku guuleysteen in reerkan loo cusbooneysiiyo sharcigooda degenaanshaha koonfur Afrika 4ta sano ee soo socota.

Balse wuxuu sheegay Rafiq Samsodien in weli ay sugayaan Baasaboorka wiilasha iyo aabahood oo wakhti dheer qaatay, walow uu ku rajo qabo inay dhawaan tagaan dalka Maraykanka.

Rafiq Samsodien ayaa sheegay hadii filimka ASAD oo u sharaxan tartanka filimaanta kooban ee (short Action Film) ay sumcad weyn usoo hoyn doonto dalka Koonfur Afrika iyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaasi oo in muddo ah dhibaatooyin kala kulmay nolosha iyo ganacsiga dalkaasi.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog