Gabay Kaftan Siyaasadeed Xiiso Badan oo u Dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne C/Raxman Faroole

Sunday, February 10, 20130 comments


Kadib Markii aan akhriyey Wararka oon dhagaystay idaacadaha Somalida ayaa Waxaan jeclaystay in aan tixdan usoo gudbiyo akhristayaasha tixdan Waxaa isugu Jawaabaya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweyne Goboleedka Puntland Cabdiraxaman M.Faroole

Waxayna u dhacday Sidan

Faroole- Hadii aan Masuul ahay Maamulaaya Meel in la i Maqlaa Ma Mudniyo?

Madax- Mar Hadaan Matalo Magaca Somali Muwaadiinta waan Maqalaa

Faroole- Maqsuud Ma ahi Maalmahaan Muqdishaana Ku Mashquulsanaa

Madax- Ma fahmin Maadadaas ee Ma ii Macnayn Kartaa ?

Faroole- Fadaraal Miisaaman oo aan ka Muuqanaan Rabaa Mudane

Madax- Mudadaadi Waad Dhamaysatee Midka xige Meesha u banee

Faroole- Marabo in aan Dib Maro Horeyna waan u soo Mintiday

Madax- Umadu way Midaysantee Maxaa Adiga kuu Muuqda?

Faroole- Maraykanaa aqoonsan Meel Dhigee Maxaan u weynay Meertadii?

Madax- In aan ka Moodnay Meelku gaar oo aan Mushaaxnay Maad ogayn?

Faroole- Hadaan Ka Moodnay Meelku gaar Mahiga Ma Muwaadinaa?

Madax- Muraad Yaraan Ka Maaganee Ma Haysto Muunad Weyn

Faroole- Muhiim in aan ahoo Mugweynaha ku Moog Markaas

Madax- Midnimo aan Muran Lahayn in ay ku Meel Martaan Rabaa

Faroole- Dastuurkaan Meerinay Maalin Hore yaan La Maagin Maandhow

Madax- Mugdi Miyaa Ka Jira Midaas Baarlamaankaaba Maamulee

Faroole- Mahadho Waxay Dhici Markii Midaas La isku Maandhaafo

Madax- Maankaaga gali Maanta iyo Shalay Waa Laba Masaafoode

Dhamaaad











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog