Maamulka Soomaaliland ayaa si kulul uga jawaabay hadakii kasoo
yeeray dowlada Mareykanka ee lagu sheegay in mawaadiniinta Mareykanku aysan u
safri deegaanada maamulka Soomaaliland sababo amaan awgood wasiirka arimaha
dibada maamulka Soomaaliland Max’ed Cabdullaahi Cumar oo saxaaafada la hadlay
ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay dowlada Mareykanka uusan saamayn ku yeelan
i doonin dowlada iyo shacabka Soomaaliland.
Wasiirka ayaa u sheegay
ajaanibta ku sugan degaanada maamulkaas iney is dajiyaan isla mar ahaantaane uu
suganyahay amnigu loona baahanyahay iney kusii sugnaadaan deegaanada
Soomaaliland isagoo u ballan qaaday ineysan la kulmi doono qatar dhanka amaanka
ah,Max’ed C/laahi ayaa tibaaxay in saraakiisha qaramada midoobe ee ku
sugan deegaanada Soomaaliland ay kusii sugnaan doonaan halkaas
hawshoodane ay sii wadan doonaan.
Wasiirka arimaha dibada
Soomaaliland ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo baxay Mareykanka mid la mid ah kii
hore uga soo baxay wadanka Ingiriiska wuxuuna hoosta ka xariiqay in
Soomaaliland ay ka go’antahay xaqiijinta amniga deegaanada uu ka arimiyo
isagoona intaa raaciyey iney heegan buuxa galiyeen ciidamada maamulkaas si ay u
adkeeyaan amniga Soomaaliland.
Wuxuuna shacabka
Soomaaliland ku dhaqan ugu laabqabaajiyey ineysan wax welwel ah ka qabin amniga
deegaanadooda isla markaane aysan saamayn ku yeelan doonin digniinaha isdaba
joogga ah ee kasoo baxaya wadamada reer galbeedka kuwaas oo sheegaya in qatar
dhanka amaanka ah ay kasoo leedaha deegaanada maamulka Soomaalialnd iyagoona
mawaadintiitooda uga digay iney u safraan Soomaaliland
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
