Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaal-ka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ka socda Ingiriiska ee tagaya Soomaaliya ay gacan ka gaysanayaan amniga dalka.
Madaxweynaha oo ay su’aalo waydiiyeen wariyeyaasha kaddib kulankii uu xalay la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Masar ayaa sheegay in safarkiisii Ingiriiska ay dowladda dalkaasi kula heshiiyeen inay tababarrada iyo qalabaynta ciidamada ka taageerto.
Wuxuu sheegay in heshiiska ay gareen labada dowladood uu u baahan yahay in faah-faahin laga bixiyo, sidaas darteedna la sameeyay koox farsamo oo labada dal kala matalaya oo arrintaas turxaan bixisa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidamada aanay ku lug yeelan doonin howlgallada ciidan, marka laga reebo taageerada farsamo ee ay siinayaan ciidamada Qaranka Soomaaliya.
Wargayska The Time ee ka soo baxa Britain ayaa dhowaan daabacay in Ingiriiska uu ciidamo u dirayo Soomaaliya dhowaan. Horay waxaa Britain uga joogay ciidamo tiro yar oo la sheegay inay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ka gacan siinayaan farsamada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
