Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga magaaladda Qaahira ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.
Madaxweynaha ayaa jaaliyadda ku wargeliyay in Soomaaliaya ay hadda dib ugu soo noqoneyso wadaddii toosneyd, loogana baahan-yahay in jaaliyadda dibadda ay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad Soomalida diin uga dhigay dhaqamo ay dalal carbeed leeyihiin taasina loo bahan yahay in meesha laga saaro Waqti dhaw ka hor ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la kulmay jaaliyadda London, sidoo kalena kula dar-daarmay in ay dalka maal-gelin ku sameeyaan.
Sido kale wasirka arimaha dibada Marwo Fowsi oo iyadana ka hadashay ayaa sheektay in loo bahan yahay in ay somalida isku duubnaadaan waxaana ay balan qaaday in ay xalin doonaan ardayda Somaliyeed ee wax tabanaya sida ardaydea ku sugan dalka turkiga.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
