Sida uu qoray wargeyska Asharq al-Awsat ee fadhigiisu uu yahay Magaalada London ee dalka Britain,Madaxweynihii geeriyooday ee Mucamar Al-Qaadfi ee dalka Liibiya ka arimin jirya, ayaa la sheegay in lagu helay taageero uu siin jiray dagaal yahano xariir la leh Al-Qaa’ida oo shabaab ay ka mid yihiin.
Wargeyska ayaa soo bandhigay cadeemo Muujinaya inuu dhaqaalo iyo mid tababareed u fidin jiray Mucamar Al-Qadaafi dagaalyahanada Al-shabaab, islamarkaana isku xiray jiray dagaalyahanada ka dagaalama Soomaaliya iyo Yemen.
Sidoo kale warbixintaan lagu daabacay wargeyskaan ka soo baxay London Asharq al-Awsat, islamarkaana sheegeysa in Al-Qadaafi uu taageeri jiray Al-shabaab ayaa dhanka kale waxay lagu tilmaamay in hogaamiyihii geeriyooday ee Liibiya qeyb weyn ka qaatay taageero badan oo loo fidiyayay Al-shabaab si u sii wadaan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale wargeyska uu tilmaamay in Mucamar uu dhiirigilin u sameeyay Shabaab iyo dagaalyahanada ka jira Yemen ee Xariirka la leh Al-Qaa’ida.
Mucamar Al-Qadaafi hogaamiyihii geeriyooday ee dalka Liibiya ayaa la xaqiijiyay in Lacagta kaga baxday tababarka ciidamada Al-shabaabka Soomaaliya ay gaareyso $10 million,
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in dowladii Liibiya ee Madaxda uu ka ahaa Qadafi ay fududeyn jirtay howlo badan ay wadaagi jireen Ururada xariirka la leh Al-Qaa’ida ee ku kala sugan wadamada Soomaaliya,Yemen iyo Ciraaq.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com