Jen. Muungaab: Wariyihii Wax Uusan Hubin Ka Sheega Maxkamadda Ciidamada, Isga Ayaa Arrin Ciidan Faraha La Galay

Saturday, February 23, 20130 comments


Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Jen. Xasan Muunaagb ayaa kula taliyey weriyaasha Soomaaliyeed iney iska hubiyaan wararka ay ka sheegayaan hay’adaha garsoorka dalka.

Jen. Muungaab oo shalay wariyaasha kula hadlay goob lagu tooganayey 3 ka mid ahaa askarta dowladda oo dil lagu xukumay ayaa xusay in garsoorku uusan siyaasad ku lug laheyn, islamarkaana werihiyihii wax uusan cadeyn u aheyn ka sheega hay’adaha garsoorka la horgeyn doono cadaaladda.

Wuxuu sheegay Jen. Muunaagaab inuusan caburineyn saxaafadda oo ay sheegi karaan wax kasta ee xaqiiqo ah, hase ahaatee aan sharciga la hareer mari karin haddii lagu helo dambi ay ka galeen dalka, gaar ahaan maxkamadda ciidamada.

“Waxaan leehay weriyaasha oo aan ixtiraamayo, aad isaga hubiya wararka aad ka sheegeysaan hay’adaha garssoorka iyo maxkamadda ciidamada, garsoorku siyaasad kuma lug laha, qof kasta ee la eedeeyo maxkamada ayaa la geynayaa, waana la xirayaa sidii loo xiray weriyihii BBC” ayuu yiri Jen. Muungaab.

“Wariyihii wax uusan cadeyn u heyn ka sheega maxkamadda ciidamada isaga ayaa arrimo ciidan soo faragashaday, sharciga ayaana la geyanayaa” ayuu sidoo kale Jen. Muungaab.

Jen. Muungaab ayaa saxaafadda ku dhaliilay iney mar maxkamadda ciidamada ku eedeeyaan in seeftu u siibantahay oo dadka iska xakumeyso, marna ku eedeynayaan iney ridista xukunnada daahineyso, taasoo uu tilmaamay iney tahay wax lala yaabo.

“Kiiska dilka ah wuxuu u baahan yahay waqti dheer oo lagu hubiyo, inta kiiskaas lagu guda jirana dib u dhac wuu imaan karaa si cadeymo ku filan loo helo” ayuu Jen. Muunaag oo intaa ku daray “Markii hore qof ayaa la dilay, marka haddii qof kale si khalad ah loo xukumo oo  ilo ka warrama dhibka ay leedahay?”.

Jen. Muungaab ayaa soo hadal qaaday dacwadda nin ku eedeysan dilkii wariye Yusuf Xasan Absgue oo ka tirsanaa Radio Maanta ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in ninkaasi uu xiran yahay dacwadiisana loo fariistay ilaa 6 jeer, welina ay socoto.

Kiiska nin ku eedeysan dilka weriyahaas ayaa warbaahinta qaar ka sheegeen warar kala duwan oo ku saabsan in meesha musuqmaasuq soo galay, taaskoo keentay in Jen. Muungaab oo hadalkaas warbaahinta siiyo.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog