Naag cuntay lacago Mushaar loo siiyay

Thursday, February 28, 20130 comments



Haweeneydan oo u dhalatay Dalka Faransiiska ayaa cuntay lacago ay xukuumadda Faransiiska u siisay Mushaar ahaan, kadib markii Haweeneydaasi ay la soo daristay dhaqaalo la’aan xoogan

Wargeys ka soo baxa Dalkaasi Faransiiska ayaa sheegay in Haweeneydaasi lagu magacaabo Suha lagu lahaa Dhaqaalo xoogan isla markaana ay bixin weysay lacagahaasi, sidoo kale Wargeyska waxa uu sheegay in Haweeneydaasi ay mushaar ahaan u qaato $400 halka lagu lahaa lacago tiradeeda gaareysa $900, taasoo ay ku bixin weysay deentii lagu lahaa maadaama ay ka soo jeedo Qoys faqiir ah.

Suha oo Wargeyska u sheegtay in Mushaarkeeda uu yahay mid yar isla markaana awoodin inay isaga gudo ayaa waxa ay sheegtay inay Go’aansatay in Lacagta Mushaarkeeda ay cuntay maadama aysan gudin lacagaha lagu lahaa.

Suha ayaa iminka ku sugan Isbitaal ku yaala Gudaha Caasimadaasi waxaana waxa uuna Wargeyska sheegay in lagu sameyn doono Qaliin dhanka caloosha ah maadama ay istaajisay saxarada.

Si kastaba ha ahaatee Suha ayaa ku sugan xaalad adag waxaana suura-gal ah inay u geeriyooto lacagaha ay cuntay sida laga soo wariyay Dhakhaatiirta dalkaasi Faransiiska isla markaana uu daabacay Wargeyska.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog