Nin dhalinyaro ah oo lagu dal dalay magaalada Garowe

Wednesday, February 27, 20130 comments


Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah lagu dal dalay magaaladaasi.

Wiilka dhalinyarda ah ayaa la soo warinayaa in laga xiray gacmaha, kadibna laga soo laad laadiyay geed ku yaala afaafka hore ee Magaalada Garowe.

Saraakiisha ciidamada amaanka Garowe ayaa sheegay in wiilkan dhalinyarada ah la dilay, ka hor inta aan la dilina gacmaha laga xiray oo laga soo laad laadiyay geed.

” Dilka ninkaan wuxuu u muuqdaa mid la dilay, waayo gacmaha ayaa laga xiray, geedna waa laga soo lalmiyay ” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Garowe ee Maamulka Puntland Soomaaliya.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ay heleen raad muujinaya in kooxihii dilay wiilka ay isaga baxsadeen goobta marki ay xaqiijiyeen inay ka takhaluseen.

Gaashaanlaha ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid ku cusub dhulka soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland, isagoo sheegay inay baaritaano ku sameyn doonana cidii ka dambeysay falkan.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog