Hooyadaani oo u dhalatay Dalka
Pakistaan ayaa waxaa loo furay Calowsaad xiliyada ay jiifto, kadib markii ay
guursatay nin gacan ku dhiigle ah.
Ninka ay haweeneydaasi guursatay ayaa
lagu soo waramaaya inuu yahay nin isagu la sheegay inuu nacebyahay Shanqarta
badan xiliyada Habeenkii maadaama uu dad badan dilay.
Wargeys ka soo baxa Dalka Pakistan
ayaa qoray in ninkaasi uu ka soo dagaalamay Dalka Iraq gaar ahaan dagaalada
socday Baqdaad, waxaana la sheegay inuu yahay 34-Jir oo aan horay usoo guursan
hayeeshee guurkiisa koowad waxa uu Xaaskiisa ku furay Calowsaad bada.
Dhanka kale haweeneyda la furay ayaa
lagu soo waramaaya in ay horay usoo guursatay waxa ayna dhashay Caruur
tiradooda lagu sheegay 3-Saddax, mana jirin aabe xanaaneysta Caruurtaasi.
Si kastaba ha ahaatee Hooyadaasi ayaa
waxaa iminka la soo daristay nolol xumi iyada oona sheegtay in Calowsaadka ama
Qarawga uu yahay mid ilaa iyo yaraanteeda haayay, islamarkaana aysan garankarin
sida ay isaga dhaafi lahayd Qarawga ama Calawsaadka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)