Shabakada newbanaadir.com ayaa
gabaryaheey ku siineysa dhowr calamadood oo dhab ahaan kuu muujinaya in aadan
xaas marnaba u qalmin .
Haddii ninkaada uu soo galo guriga oo
aadan ka tagin shaqo waliba oo aad gacanta kula jirtay kana hortagin si aad ugu
qaabisho dhoola cadeynta hadaba xaas ahaan uguma qalantid , haddii ninkaada
uusan guriga ka heleyn qof iloowsiisa daalka shaqada hadaba maxay tahay
faa`idada ku jirta in aad xaas ahaato.
Haddii ninkaada uusan ka heleyn
cunada aad gacantaada ku karisay oo banaanka ka soo cunteynayo , dharkiisana
goobaha dharka lagu dhaqo geeysanayo hadaba ogaaw xaas uma qalantid .
Haddii ninkaada uu caroodo(Xanaaqo)
oo aad kun eray ku sii cel celiso adiga oo codkaada dariska maqalsiinaya hadaba
xaas uma qalantid Ogaaw ninkaada waxa uu ku soo daalay cadaadiska nolosha iyo
hunguri raadintiina mararka qaar neerfooso ayuu noqon karaa waxa uuna doonaya
haweeney dajisa mar waliba .
Haddii ninkaada aad guriga meel ka
wada faristaan halka jirkaada uu soo buuqayo (shiirayo) ama dharkaada loo
adkeysan karin hadaba xaas uma qalantid , waxaa haboon in haweeneyda ku jirto
muuqaal kan ugu qurxoon marka ninkeeda ay la joogto .
Haddii waqtiga salaada la gaaro oo
aad ninkaada u kicin salaadda kulana talin in wax yaabaha xaaraanta ka fogaado
iyana waxa ay muujineysa in aadan xaas u qalmin .
Hadaadan ihtimaam iyo dareen aadan
siin ninkaada marka uu kula hadlayo oo aad kaga mashquusho PC-ga ama Tv-ga
halka ninkaada arin muhiim ah kuu hayo iyana waa arin kale oo xaas uma qalantid
, waxaa haboon in haweeneyda dareenkeeda dhan isugu geyso dhageysiga ninkeeda
marka uu la hadlayo
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
