Nin Boorso ku Xaday Bisad oo ay soo wajahday Fadeexo

Sunday, February 24, 20130 comments


Ninkaani ayaa u dhashay Dalka Russia waxa uuna aad u jeclaa Bisad ay la haayen Cid isaga dariskiisa ah kadib markii Ninkaasi uu waayay Xoolo uu dhaqaaleysto.

Ninka xaday Bisada oo magaciisa lagu sheegay Jamous ayaa lagu soo waramaaya in uusan dhalin wax Caruur ah Balse uu jeclaa inuu xanaaneysto Xoolaha kuwooda la xanaaneysto

Mr Jamous oo Muddo Sadax maalin Siyaaro ku tagaayay Cida Bisada leh ayaa waxaa la arkay isaga oo bisada ku ritay Boorso uu sitay, Hayeeshee Jamous ayaa laga dacweeyay Saldhig ku ag-yaala Xaafadiisa.

Fadeexada soo wajahday Jamous ayaa noqotay mid saameysa Ehelka uu kasoo jeedo oo ahaa Reer Dhaqaale leh, waxa uuna Jamous galay Xabsi isaga oona lagu xakumay Lacag Dhan $600 isaga oona lagu wargaliyay in uu daaweyn doono Bisadaasi haddii ay xanuunsato Muddo Hal sanno Gudaheeda.

Si kastaba ha ahaatee Mr Jamous ayaa iminka la sheegay in Fadeexo darteed uu uga haray Asxaabtiisa islamarkaana Jaray Xiriirkii kala dhexeeyay Jaarkiisa ama Ehelkii dariska la’ahaa.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog