Ninkii Kabaha la dhacay Madaxweeynaha dalka Iiraan Mr.Mahmoud Ahmadinejad oo la ogaaday dalka...(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Friday, February 22, 20130 comments



Ciidamada Sirdoonka dalka Masar ayaa mudo 2 Isbuuc ah waxa ay baaritaan ku hayeen nin la soo qabtay ka dib markii uu ku soo dhex dhuuntay Taageerayasha Madaxweeynaha dalka Iiraan Mr.Mahmoud Ahmadinejad oo soo dhaweeyn loogu sameeyay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Madaxweeyne Mahmoud Ahmadinejad oo xiligaas ka qeeyb galay shirkii dalalka Islaamka uga socday magaalada Qaahira ayaa xili uu gacan qaadayay ama salaamayay Taageerayaashiisa waxaa ku soo dhex dhuuntay nin ugu dambeeystii Kabo la dhacay Madaxweeyne Mahmoud Ahmadinejad balse hada la ogaaday dalka uu u dhashay.

Ninka Kabaha la dhacay ama ku tuuryeeyay Madaxweeyne Mahmoud Ahmadinejad ayaa waxaa la shaaciyay in uu u dhashay dalka Syria waliba uu aad uga soo hor jeedo Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al Asad oo gacan Milatari ka hela Madaxweeynaha dalka Iraan Mr.Mahmoud Ahmadinejad oo ay Shiico isla yihiin .















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog