Waa dhacdo dhab ah waxa ayna ku
dhacday Wiil magaciisu loo soo gaabiyay Asad Xuute oo iminka ku nool Magaaladda
Muqdisho ee Casimadda Dalka Somalia
Asad waxa uu shabakadda
Soomaalidamaanta u sheegay in Qisadaani ay isaga ku dhacday waxa uuna sheegay
in mudda ah inuu Jeclaa Gabar dhigiisa ah Hayeeshe uu sheegay inaysan Jecleen
iyada
Asad waxa uu Tilmaamay in Gabadhaasi
uu u bandhigay Dhibaatada Jaceylka Balse ay iyaduna dhagaha ka qabsatay, Asad
oo ka xiisa dhigay Jaceylka Gabadhaasi ayaa waxaa dhacday in ay iyadu Dib kasoo
jeclaatay Hayeeshee Asad waxa uu taasi ku sheegay inay tahay Nabsi kasoo baxay
xilli xun uu isaga ka niya-jabay
Asad oo niyadiisa ka saaray Jaceylka
Gabadhaasi ayaa waxa uu mar qurah arkay Gabadhii uu jeclaan jiray oo ku dhex
jirta Koobkii uu ku cabaayay Biyaha waxa ayna la noqotay Fajac.
Asad oo aan aaminsaneyn Erayga ah
waxan ka dhex arkay Bakeeriga ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid dhab ah
islamarkaana Ruuxa wax jecel mar waliba uu u sawirmaayo hadba halka ay mareyso
Jaceylkiisa
Si kastaba ha ahaatee Qisadaani mahan
mid lagu soo koobi karo Qoraal balse waxan ka qaadaneynaa Xigmada waxa uuna
Asad aaminay in Jaceylka uu yahay nabsi islamarkaana marba ku geynaayo halka uu
Deeganka ka dhigtay, waxa uuna dadka Ehelka u ah Jaceylka ku booriyay inay
niyadda u sheegan in Jaceylka uu yahay mid aan muuqan balse awood baaxad weyn
leh.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
