Qiso yar balse xanuun badan waxa ayna
ka dhacday magaalada Muqdisho todobaadkii hore waxaana ka soo xiganay ilo lagu
kalsoon yahay.
Sida goob joogayaal sheegayaan
wiilkaan ayaa xariir waxa uu lalahaa gabar taasi oo ay magaalada isku barteen
in muddo ahna qadka uu jaceyl been ah kaga jilayay .
Waxa uuna wiilkaas ahaa mid xun balse
gabarta ku qiyaanay una jlay in uu yahay nin wanaagsan , waxa uuna kor iyo hoos
,geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in mar uun uu ku qanciyo in ay kulan wada
qaataan fool ka fool ah
Talaabo talaabo ayuu ugu qanciyay in
jaceyl saafi uu u qabo farxadna uusan dareemeyn hadii dhankiisa aysan joogin ,
waxa uuna ugu dambeyntii ku qnaciyay in gurigiisa kula kulanto maalin axad ah
Waxa uu ka dhaadhciyay in jawi
Romantic ah ay wada qaadanayaan ayna ka hadlayaan sidii mustaqbal u wadaagi
lahaayeen waa ayna ka ogalaatay , intii uu sugayay imaashaheeda ayuu waxa uu
wacay labo saaxibadiisa ah balse aan qoyskiisa soo dhex galin waxa uuna uu
sheegay in hilib maacan u bisil yahay ayna xaafadiisa yimaadaan.
Saaxibadiisa waa ay yimaadeem waxa
uuna u sheegay in gabar ay u soo socoto oo uu doonayo in ay kula baashaalaan
,intii saacadda ku dhicin waqtiga i balanta ayaa waxaa wiilkaas soo wacay
hooyadiis oo u sheegtay in dhaqsi uu u yimaado guriga aabihiis maadaama
xaaladiisa adag tahay oo lagu soo booday , waxa uuna wiilashii u sheegay in uu
baxayo balse waxa uu wiilasha kula balamay in gabartaas ay ku sameeyaan wax
waliba oo macaan ah .
Waa kuwaan saaxibadiisa oo gurigiisa
ku sugaya gabartii ,waa ay timid sida balanta aheyd waa ay kufsadeen damiir
laawayaasha ,waxa ayna ka tageen guriga xilli gabartii ay miir beeshay
walaalkeedana oo aaday hooyadii si xaalka odayga uu wax kala socdo.
Xaashaa Lillaah hooyadii ayaa durba
weydiisay wiilkii maxay walaashaa ku soo raaci weysay ? yaah walaashey aaaaaaa
? Intee aniga iiga soo raaceysay ? markaas ayay hooyadii tiray waan ku soo
dirnay waayo wicitaan badan aan kugu soo sameynay oo telka ah waad ka jawaabi
weysay sidaa darteed ayaan iyada kugu soo dirnay , xanuun badnaa isaga oo aan
ka jawaabin hadalka hooyadiis ayuu carar ku yimid gurigii hooyadii waxa uu
arkay walaashiis oo miir daboolan oo hawada lala galay kuna dhacday shabqada
mishin uu isaga dhigay ,,,,,,,,,,,,,,, Xanuun Badnaa wiilkii oo qark u saarmay
in wadnaha istaago ayay hooyadii guriga ugu timid , Dhamaad Dhamaad Dhamaad
Hadaba xasuusta waxa ay tahay in
waxii xun aad fasho in laguugu sameyn doono xilli hore ama xilli dambe , waa
muhiim fikirkaada ku aadan qisadaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
