Somali badan oo ku Qaldantay Cunista Hilibka Fardaha & Fadeexada Hilibka Fardaha Oo Gilgishay Suuqyada Iyo Midowga Yurub Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanaya Sidii Badhitaan Culus Loogu Samayn Lahaa Cuntooyinka (Sawiro)

Wednesday, February 20, 20130 comments

Midowga Yurub ayaa arbacada inagu soo foolka leh ka shiri doona sidii talaabooyin adadag iyo xakamayn wayn loogu soo rogi lahaa, baadhitaan culusna loogu samayn lahaa cuntooyinka iyo warshadaha farsameeya ee dunida, taas oo ka dhalatay hilibka fardaha ee shirkadaha hilibka ee Ingiriisku sida qarsoodiga ah uga iibin jireen dunida.

Fadeexada hilibka fardaha ayaa soo baxday dhawaan, ka dib markii la ogaaday in hilib badan oo loo iibsan jiray, hilib xoolaad laga war helay inuu yahay hilibka fardaha, taas oo la cadeeyay baadhitaankii lagu sameeyay in hilibkaas loo iib gayn jiray suuqyada waddamada Yurub oo dhan oo aanay jirin cid ka badbaaday.

Wasiirka wasaarada Beeraha ee dalka Ireland Simon Convey, oo wakhtigan dalkiisu hayo madaxtinimada Midowga Yurub, ayaa ku baaqay in shir deg deg ah, maalinta arbacada ee inagu soo foolka leh waddamada Midowga Yurub isugu yimaadaan, xaruntooda guud ee magaalada Brussels dalka Belgium.

Lix iyo toban waddan oo ku yaala midowga Yurub ayaa la cadeeyay in hilibka Fardaha loo iib gayn jiray sayladahooda iyo sariibadaha ku yaala, taas oo dhalisay xaalad war war iyo cabsi ah oo hadhaysay dadkii hilibka ka iibsan jiray, shirkadahihii fadeexadan ku lugta lahaa, kuwaas oo waydiin ka keenay kalsoonida lagu qabi karo hayadaha ilaalinta tayada ee dalalkaas.

Lix iyo tobanka waddan ee la cadeeyay in suuqyadooda loo iib gayn jiray hilibka fardaha ayaa ka mid ah dalalka Somalida ugu badani ku nooshahay, kuwaas oo suura gal ay tahay in hilibkaas wax ka soo gaadheen iyaga oo aan ogayn, wallow aanay danbi ku lahayn waa xaalad kale oo cadaynaysa sida khiyaamada ganacsigu u noqotay mid aan laga baxsan karin oo siyaabo kala duwan la isugu qarin karo.
  
Telefishinka Caalamiga ah ee Al-Jaziira Ayaa shaaciyay dad badan oo Muslimiin ah oo ay kujiraan dad Somali ah oo ku dhaqan dalalka Yurub Gaara ahaan Uk ayaa kusirmay oo aad u isticmaalay Hilibkan Fardaha oo looga iibiyay inuu yahay Hilib Lo. Ahaaneed.

Hilibkan fardaha ayaa la sheegay in wax kasta lagu dari jiray, dad badana ay u haysteen in hilib xoolaad caadiya uu yahay, waxyaabaha ugu badan ee lagu isticmaali jiray ayaa waxa ka mid ahaa Hand Berger-ka, Lasagnyada, Hilibka Duqadda ee Baastada lagu darsado iyo waxyaabo badan oo lagu daro hilibka.


































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog