Soomaalida ku nool dalka Koofur
Afrika iyo ciidamada Booliska dalkaasi ayaa bilaabay howlgalo ku aadan sidii
loo badbaadinlahaa ganacsatada Soomalida ah iyo hantidooda.
Soomaalida ku dhaqan wadanka koofurta
Afrika oo u badan Ganacsato ayaa
waayahan waday dadaal ay ku doonayaan in ay ku badbaadiyaan hantida u taalla waddankaasi, waxa ayna billaabeen howlgallo ay isaga
difaacayaan weerarka burcadda, iyaga oo
kaashanaya ciidammada Booliska oo laba qeybood ah.
Maxamed Xuseen oo ka mid ah
ganacsatada Soomaalida ee dalka South Africa ku nool ayaa sheegay in holwgalkan
uu yahay mid lagu badbaadinayo hantida ganacsata, sidaas darteedna ay wada shaqeyn doonaan
Soomaalida iyo Booliska.
Mar kale Maxamed Xuseen ayaa
sharraxay qaabka uu u dhacayo howlgalka,
isaga oo tilmaamay in Booliska ay
wada shaqeynayaan iyagoo dharcad ah, si ay uga hortagaan iskudayada burcadda, kaddibna laga caabiyo xarumaha ay weerarka ku
soo qaadeen.
Ugu dambeyntii waxa uu walaac ka
muujiyay in Bishan oo kale kooxa burcadda xabsiyada laga soo daayo, hasa
ahaatee iyaga ay sii wadayaan howlgallada ay ku badbaadsanayaan hantitooda,
isla markaana ay sii wada sahqeyn doonaan Booliska dhar cadka ah.
waa qorshe cusub oo ay Soomaalida ku
wada heshiiyeen hey’adaha ammaanka waddanka Africa Koonfureed, si ay uga nabad
galaan weerarradii ay ku soo qaadi jireen burcadda inta badan dhibaateysa
Soomaalida Ganacsiga ku leh waddankaasi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
