Samuel Eto’o xiddigii hore ee kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ee iminka u safta kooxda ka dhisan Ruushka ee Anzhi Makhachkala ayaa shaaca ka qaaday sheeko lala yaabay isagoo sheegay in xiriirka kubbada cagta dalkiisa Cameroon ay isku dayayaan inay dilaan.
Eto’o ayaa isagu kol hore maamul xumo ku sheegay xiriirka Cameron iyadoo uu ganaax kaga maqnaa xulka balse uu u soo dhamaaday, waxaana sheekadan lagu shaaciyay website ay leedahay majalad ka soo baxda Cameron oo 2-saac saarnayd boggaasi balse dib ay u shaaciyeen markale kanaalo maxalli ah.
“ Xiriirka kubadda cagta Cameron wuxuu isku dayayaa inuu nolosha i dhaafsiiyo, wuxuu jecel yahay inuu i dilo” ayuu ku waramay Samuel Eto’o oo intaa ku daray “ Waxaan iminka la noolahay koox ilaaliyo ii gaar ah, mid ka mid ah alabaabkeyga ayuu jiiftaa si amaankeyga u
sugo”.
Eto’o oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray “ Waqtigan la joogo ma xidho maaliyada xulka uu inoo ogolaaday xiriirka Cameron, waxaan si toos ah uga dalbadaa shirkadda Puma, lama cuno cuntada saaxiibadeyda xulka anigoo ka fogaanayo in sun la iigu daro” waxa uuna Eto’o ku tilmaamay xiriirka Cameron dad faasidiin ah oo hormar lahayn isla markaana ka dalbaday inay iscasilaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
