Q.M. ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan xafiisyadeeda ku yaala Magaalada Nairobi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo rareyso Muqdisho maadaama Caasimadda Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhinaca Ammaanka ah.
Wakiilka xoghayaha guud ee Q.M. u qaabilsan dhanka Siyaasada Jefery Fartman oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Q.M. kadib booqasho uu yimid Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay xiligan mareyso meel dadkeedu ka soo kabanayo burburkii ka gaaray dhanka dhaqaalaha iyo nolosha intaba.
Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in muwaadiniinta ku nool Muqdisho ay dareemayaan rajo cusub oo ka soo muuqata hoggaanka cusub ee dowlada Soomaaliya, kaas oo ku yimid doorasho ay qabatay dowaladii KMG aheyd.
‘’Sanadkan aynu ku jirno waxaa nagu waajiba inaynu taageerno howsha la qabtay ee heerka lagu gaaray waxaanu rajeeyneeyna 4-ta sano ee soo socota in horumar taariikhi ah la gaaro ka hor intaan la qaban doorashooyinka Baarlamanka iyo midda Madaxweynaha, waxaana xoogga saareeynaa in la sameyo dastuur joogta ah’’ ayuu yiri wakiilka hoghayaha guud ee dhinaca siyaasada.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray in madaxweynahaha J.F.Soomaaliya uu kula kulmay magaalada Adis’ababa kadib markii uu la kulmay xoghayaha guud ee Q.M. sidoo kale waxuu sheegay in uu Muqdisho kula kulmay R/wasaaraha iyo Tiro Wasiirro ah iyo gudoomiyaha baarlamanka dhamaantoodna, waxeey xoogga saarayeen qorshahooda uga degsan dhanka ammaanka, gaar ahaan garsoorka, dhaqaalaha iyo dhinacyada maamul wanaaga, waxeyna ku dadaalayeen in ay shacabkooda u muujiyan in ay heleen hoggaan wanaagsan.
Wakiilka ayaa intaa raaciyay in Q.M. ku dadaaleyso sidii ay taageero buuxda u siin laheyd Soomaaliya iyo dowlada iminka shaqeysa, isagoo hoosta ka xariiqay in xafiisyadii Q.M ee ku shaqeynjiray Nairobi ay iminka soo dhamaatay lsagoo carrabka ku adeeyay in shaqaalaha Q.M.ee ku shaqeynayay Nairobi ay u guurayaan magaalada Muqdisho oo ay ku shaqeyndoonaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
