Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo kulamo la leh qeybaha bulshada iyo maamulka G/Hiiraan

Thursday, February 7, 20130 comments

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka ayaa maanta kulamo la qaadanayo qaar ka mid ah qeybaha bulshada ee gobolka Hiiraan iyadoo Ciidamada Ammaanka ay howl gal ka sameeyeen magaaladaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay gaaray magaalada Beledweyn ayaa saaka kulamo la leh qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka Hiiraan, isagoo kala hadlaya sidii loo xoojin lahaa dowladnimada.

Kulamada uu wasiirku la qaadanayo qeybaha bulshada iyo maamulka gobolka Hiiran ayaa ah kuwao albaabadu u xiranyihiin oo aan saxaafada loo ogoleyn, waxaana la filayaa in wasiirku kala xaajoodo odayaasha dhaqanka sidii loo tayeeyn lahaa maamulka gobolka Hiiraan si loo xaqiijiyo amaanka guud iyo ahdaafta dowlada ee ku qotonta horumarinta adeegyada bulshada.

Dhanka kale ciidamada ammaanka aya shalay ilaa xalay waxa ay howlgallo dheeraad ah ka sameeynayeen deegaano hoos yimaada gobolka Hiiraan oo Sodon Kilo Mitir Koofur kaga began magaalada Beledweyn, halkaas oo ay dhibaatooyin ka wadeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Shabaab oo dhac u geysanayay gaadiidka isago kala goosha gobolada dalka.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog