Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Caydiid Ilka Xanaf oo maanta saxaafada kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa waxa uu wax layaab leh ku tilmaamay in Beesha caalamku ay ka hadasho garsoorka Soomaaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Ilaka xanaf ayaa waxa uu yiri xilli uu ka jawaabayay su’aal wariyaashu weydiiyeen, oo aheyd dhaleceynta beesha caalamka sida uu u arko, “Beesha Caalamka ayaan kuqoslaa. Maxaa kagalay Beesha Caalamka garsoorkeenna? Garosoorka Soomaaliya waa madax banaanyahay xitaa madaxweynaha ayaan soo fara geli Karin”.
Gudoomiyaha maxkamada sare ayaa waxa uu xilli wax laga weydiiyay xukunkii shalay ku dhacay Cabdi Caziiz waxa uu shegay in uusan wax ka dhihi Karin maadaama ay suura gal tahay in arintiisu ugu danbeyn ay gaarto maxkamada sare.
Dhanka kale, Caydiid Ilka Xanaf ayaa waxa uu saxaafada ku dhaliilay in aysan aheyn mid dowlada Soomaaliyed jecel oo wanaaga ka hadasha.
Si kastaba, hadalka xaakinka ugu sareeya garsoorka Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli qolyaha u dooda xuquuqda aadanaaaha iyo waliba hey’adaha caalamiga ah iyo dowladaha aduunyada ugu tunka weyn ay si aad ah u canbaareeyeen xukun maxkamada gobalka Banaadir ay kuriday wariye Soomaaliyed iyo haween police-ku gfara xumeyen oo uu warestay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
