Xafiis-ka Horseed Gaalkacyo Oo Laga Soo Horjeestay & Gudoomiye Tigey Oo Qori AK-47 soo Qaatay(Daawo Sawirada) !!!

Thursday, February 7, 20130 comments



Culimadda,Dhalinyaradda,Haweenka iyo Aqoonyahanadda ayaa diidan in Xisbiyo laga hirgeliyo Gaalkacyo,waxaana Saacadihii lasoo dhaafay Magaaladda lagu daadiyay Waraaqo ay ku Qoranyihiin ''NO Faroole''.


Saacadihii ugu dambeeyay ayaa Magaaladda Gaalkacyo waxaa lagu soo daadiyay Ciidamo aad u baddan,waxaana ay Xabsiga dhigeen dad Boqol kor u dhaafaya oo u badan Dhalinyaro iyo Culimo ay Masaajidyo ka soo aruuriyeen.






Dadkaas tiradda baddan ayaa weli ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaaladda Gaalkacyo,waxaana ilaa hadda la Shaacin sababta loo xiray,balse Shacabka Gobalka ayaa u arka Caburin.



Mas'uuliyiinta Dowladda Puntland ee Gobalka Mudug ayaa Saaka Sheegay innay Gaalkacyo ka furayaan Xafiis,waxaase ka soo horjeesaday Aqoonyahanadda iyo Siyaasiyiinta Gobalka.



Maamulka Gobalka ayaa isu soo aruuriyay si ay Xafladda furitaanka uga qayb-galaan Barakacayaasha ku nool Xeryaha Gaalkacyo iyagoo ku soo kexeeyay innay Cuno iyo daawooyin u qeybinayaan.





Durbadiiba waxaa goobta soo buux dhaafiyay Dadweyne Caraysan oo ku dhawaaqayay Erayo ay ku diidanyihiin furashadda Xafiis Xisbiyeedka Urur-ka Horseed.



Haddaba waxaa Dadkaas ka xanaaqay Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac Tigey,waxaana uu soo qaatay Qori AK 47 ah isagoo Dadweyniyihii Caraysnaa ugu Hanjabay innuu mid mid u toogan doono haddii aysan goobta isaga tagin.



Sikastaba ha ahaatee falkaan uu Gudoomiye Tigey ku kacay ayaa waxaa ka carooday Maamulka Gobalka,Wasiiro ka yimid Garoowe,waxaana Cabasho loo gudbiyay Madaxweynaha Kursiga isku dhajinaya ee Faroole,iyadoo laga yaabo in Tigeyn uu xilka ku waayo falkaasi.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog