Xusuuqii loo geestay Magaalada Baladweyne 1991-dii (Daawo Documentary Film)

Tuesday, February 12, 20130 comments


Markii Siyaad Barre Xukunkiisi Shacabka Soomaaliyeed ku kaceen, meshii uu Mucaaradka la hadli lahaa oo uu Wadanka u furi lahaa Wadatashi iyo Albaabka Demokratiyada Siyaad Barre iyo Rajiimkiisi waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu Jawaabeen in Madaafiic ay ku garaacaan si uu Shacabku u baqo oo Rajiimku halkaa kasii wato Xukunkiisi.

Rajiimkaas wuxuu geestay falal Argagax oo aan Caalamka horay usoo marin. Docomentrigaan Taariikhiga ah waxaad ka dheehan kartaan Xasuuqii loo geestay Shacabka reer Baladweyne 1991-dii Bishii Febraayo 22-dedi

Maxamad Siyaad Barre Xiligaas la Burburinaayo Magaalada Baladweyne kuma sugnayn Caasimada Muqdisho oo waxaa Villa Soomaaliya laga saaray 26. Janaayo 1991, saacadu markey aheyd 19.30.

Ciidamada Siyaad Barre ee Baladweyne markaas ku sugnaa waxaa Wakiil ka ahaa Wiil uu Abti u yahay Maxamad Siyaad Barre oo lagu magacaabo “Ina Aw. Cali”.

Magaalada Baladweyne waxaa la burburiyay 65% oo Dhulka lala simay, waxaana si Cadowtimo ah loogu garaacay Madaafiic loo safay Garbo siman.

Falal dambiyeedkaas Lidka ku ah Aadamiga ma jiraan wax ka hadlay iyo wax Raali galin ka bixiyay. Waxaana suurtowda Dadkii falalkaas geestay inay Maantay Aduunka Mushaaxayaan oo ay wali leeyihiin Dambiga waxaa lahaa kuwii Dulmiga loo geestay.












Xigasho: Markacadey.net

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog