Xariir walbo waxa uu leeyahay waqtiyo lagu dareemo in xiisahiisu soo yaraaday waxaase wanaagsan in dadaal baahsan lasameeyo kolka aad ogaatid in Lamaankaagu kaa yara xiisa dhigay.
Hadaba Gabadhyahay halkaan hoose waxaan kuugu soo bandhigeynaa waxyaabo kuu cadeeynaya in Lamaankaagu uusan kuu ahyn sidii aad ku Ogeyd taasoo muhiim kuu ah .
Hadii aad aragto in Lamaankaagu uusan ku nagaaneen lajoogaada , sheekadaada, waqti badan ood wada joogtaan , waxaa kuu cad in lamaankaagu uu xiisii tiraha badnaa soo yaraaday.
In marka aad wacdo uusan ka jawaabin taleefankaaga Lacala marka uu arko inaad soo wacdayna uusan dib kuugu soo celin taas waxa ay cadeeneysaa in lamaankaagu uusan tix galin badan kusiineen sababa jira awgood.
Waqtiyada inaad janbiga ka maqasho hadalo xan ah oo laga sheegayo Lamaankaaga kadib markaad weydiisana kuu sheega ineey run yihin Ogoow taasina waxey cadeeneysaa in lamaankaagu kaa sii jeestan uusan kugu aamineen sheekooyinkii iyo Sirihii uu kugu qarsan jiray.
Maalin walbo hadii aad kulmi jirteen ama aad is maqli jirteen in ka badan 5 jeer , waxa uu kusoo aruurayaa mid maalintii oo dhan hal jeer kusoo waca ama maalin dhaaf kuusoo xariirsha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com