Inkastoo Qaarada afrika ay ku caan baxday u dhimrinta Xayawaanaadka cayayaanka ah ee in la dilo mudan ayaa markani waxaa Magaalada London ay qaati ka taagantahay Dooli fara badan oo si raxan raxan ah Wadooyinka iyo jidadkaba daadsan.
Sida ay markani qorayaan Jariidaha Dalkaasi kasoo baxa , waxaa Goobaha qashinka la iskugu keeno iyo waxyaabaha la nacay dhex tuban Dooli (JIIR ) aad u tira badan kaasoo la dagaalankiisa xal ay u la’adahay Dowlada Ingiriiska.
Soomaali badan oo ku nool wadanka Ingiriiska ayaa iyaguna arinkani la tacaala balse mooda in eey gaar u tahay iyaga, Hasa ahaatee dadkii dalka u dhashay ayaa qaati kataagan.
Mararka aad dalxiis ama booqasho ku tagto Magaalada London waxaa waqtiyada ay habeenkii dadku jiiftaan la kulmeeysaa sawaxanka Jiirka iyagoona si daran doori ah iskugu ceyrsada Saqfada kore ee guriga iyo goobaha juqda ah.
Dhacdadii ugu darneed ee shalay dhacday waxa ay eheed , Mid kamid ah Dadka u dhashay Dalka ingiriiska oo ceyrsanaya Dooli ayaa Gaarigiisa bir uu uwatay Dooliga muraayada iskaga bur buriyey sida aad sawirka ka aragtaan.
Mana ahan markii ugu horeesay ee uu Milkiila yaal dhaafiyey Hantidooda , Guryo badan ayaa Muraayadaha dhulka ka dhigay isagoo Dooligu wadkiisu ka cararayo.
Daawo Sawirada oo lasoo bandhigay
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com