Aabaha ugu xun dunida oo noqday nin Ruush ah oo gabadhiisa oo siddeed jir ah ku qasbay inay kaxeyso gaari

Tuesday, March 5, 20130 comments



Nin u dhashay dalka Ruushka ayaa lagu calaamadeeyay in uu yahay aabaha ugu xun dunida kadib markii uu ku qasbay gabadhiisa oo siddeed jir ah in ay ku wado baabuur inkabadan lixdan Mitir saacadii waddo baraf ah,

Dmitry Mihulchik oo 28jir ah ayaa filim ka duubay gabadhiisa Karina isagoo soo dhigay shabakadaha onlinka gabadha oo kaxaynaysa gaariga.

Waxaa uu ku qasbay gabadhiisa inay sii kordhiso kaxaynta gaariga kaasi oo u muuqday in uu dhowr jeer ka baxayo wadada.

Dad badan oo Ruush ah ayaa aad uga carooday waxa uu ku kacay Mihulchik halka qaar kalana ay amaaneen waxana ay sheegeen in ay iyaga ay barteen kaxaynta baabuurta iyagoo da’ yar.

Muuqaalka vidiyowga ayaa laga dhex arki karay aabahan oo dhinac fadhiya gabadhiisa Karina una sheegaya in ay sii kordhiso.

‘Waa 70kph ha fiirin saacada ee waxaad eegtaa wadada oo kaliya.’

Kadibna waxa uu u dhiibay Kaamero xaaskiisa oo kursiga dambe fadhida isagoo u sheegay in ay duubto.

Iyadoo gabadhu ay sii kordhinayso xawaaraha uu gaariga ku socda ayuu aabaha marmar waxa uu la toosinayaa isteersada isagoo dhahaya: ‘ Gaarsii illaa boqolka.’

Markii ay gaarsiisay saacada 90ka ayuu ku celiyey: ‘Soco, ha fiirin xawaaraha ee saliida sii gaariga ha baqin.’

Hooyada iyo aabaha dhalay gabadhan ayaa waxaa haatan dambi ku haysta ciidamada booliska dalka Ruushka waxaana dhici karta inla ganaaxo lacag dhan 2,500 roubles (£55) taas oo ah inay u fasaxeen gabadh yar oo aan lahayn fasaxa wadida baabuurta inay kaxeyso baabuurkooda.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog