Waa markale iyo barnaamijkeenii ( ila
Tali ) oo aan maanta idinkugu heyno
qiso xanuun iyo murugo badan taasoo
ay inoo soo dirtay
gabar ka mid ah aqristayaasha ku
xiran Website-kan.:
Qisadan oo ah mid xanuun iyo
walbahaar caashaq xambaarsan
ayaa sidan u qorneed markii ay ina
soo gaartay:
Waxaan ahay gabar da’yar oo 18 jir
ah, waxaan jeclaaday wiil
kaasoo markii hore aan si kadis ah
isku baranay
balse caawinaad iyo garab qabasho aan
markaas u baahnaa iga caawiyay
xiriir walaaltinimo ayaa na dhex
maray isagoo ahaa wiil aad u wanaagsan.
Muddo ka dib waxaan is arkay anigoo
wiilkii si xad dhaaf ah u dhex galay
isla
markaana wax walba isu sheegana sidoo kalena dareen gooni ah isu heyno.
runtii jaceyl iyo kalgacal aan xad
laheyn ayaan u qaaday wuuna iga kasbaday.
Nasiib wanaag anigoo kala xishoonaya
inaan jaceylkeyga u sheegto
ayuuba isagu iisoo bandhigtay in uu i
jecel yahay oo uu marar badan qarsanayay
anigu isla markiiba waxaan u sheegay
sida dhabta ah ee dareenkeygu ahaa.
Runtii waan isku faraxsaneyn jaceyl
aan sawir laga bixin karin ayaana ina dhex maray
Kalsoonida aan isku qabnay ayaase wax
walba kasii weyneyd
taasoo furaheeda koowaad uu ahaa
ixtiraam balaaran oo inaga dhaxeeyay.
Marar badan ayuu iga dalbaday in uu
kaamirada iga arko anigoon
si wanaagsan u labisneyn si uu u arko
quruxdeyda qarsoon
balse xishood iyo cabsi ayaan marar
badan uga diiday.
Markii danbe ayuu wuxuu cadaadis igu
saaray in aan sawiro aan qaawanahay usoo diro
maadaama aan kaamirada ka diiday,
ayadana waan isku dayay inaan diido
lakin jaceylku waa balaayee, markii
danbe anigoo raali ah ayaan is arkay
waxaana u diray sawiro cowradeydu
muuqato oo aanan dhar wanaagsan xirneyn.
Wuxuu iga balan qaaday inuu xifdin
doono oo xitaa uu iigu dhaartay
balse nasiib xumo marbaan isku
dhacnay, arimo dhanka qoyska ah awgiis.
Waalidkey ayaana igula taliyay in aan
wiilkaas iskaga haro oo aan faraha kala baxo
ayagoo igu wargelinaya in noloshiisa
hoose ay tahay mid qariban
oo ay jiraan wax yaabo badan oo uu iga
qariyay.
Waalidkey taladiisa ayaan qaatay
maxaa yeelay talo waalid waa lama diidaan.
balse yarkii jeceylku inaga dhaxeeyay
ayaa lasoo baxay waji aanan marnaba ka filan
isagoo igu xujeeyay in aan guur
qarsoodi ah ka aqbalo
amaba aan halmar si xaaraan ah isugu
tagno,
Hadii kale ayuu iigu hanjabay waxaan
dhexda kaa dhigi doonaa fadeexad
aadan waligaa kasoo kabsan,
sawiradaada qaawan ayaana aduunyada
ku faafin doona.
Runtii waji gabax iyo wadna xanuun
ayey igu abuurtay ficilkaasi
marnaba kama filaneyn, balse hada ma
garanayo wax aan sameeyo
si walbo waan isku dayay inaan isaga
maslaxeeyo,
balse waxa uu ka fuqi la’yahay wax
walboo dhaco anigoo halmar ku dhadhamin
malaga yaabo in aan kaa samro ama kaa
haro.
Xitaa waan isku dayay inaan uga
cabsiiyo Police-ka ayaan kugu dacweynayaa
lakin waxa uu taagan yahay, waxaad
doontid keen
sharaftaada ayaan wasaqeynayaa taas
ayaana ka daran Police-ka aad sheegeyso.
Runtii dhib aan la koobi karin ayaa i
heysto iyo walwal
muddo dheerna si wacan uma harsan
umana hoyan.
Fadlan ila taliya walaalayaal maxaan
sameeyaa?
Waxaad doontid samey miyaan dhahaa?
Police-ka miyaan ku dacweeyaa?
Waalidkey miyaan u sheegaa arinta
ceeb kasto ha i qabsatee?
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com