Suugaanyahanka Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar ayaa waxa uu sheegay in qol uu ka deggenaa dugsiga tababarka ciidamada Booliska Somaliyeed ee Janeral Kaahiye laga saaray laguna amray inuu iskaga guuro.
Abwaan Sugaal Cabdulle ayaa ku eedeeyey agaasimaha dugsiga tababarka ciidamada Booliska Janeral Kaahiye Axmed Dayid Axmed inuu ku yiri shalay galab waa inad ka guurtaa gurigii uu deggenaa.
Suugaanyahankan ayaa waxa uu sheegay in qolkii uu deggenaa la sheegay in la dajinayo nin ajnabi ah iyo xaaskiisa waxa uu aad uga caroodayna ay taasi tahay baaqna ujeedinayo madaxda dawlada Somaliya.
Abwaan Sugaal ayaa darajada korneelnimada ciidamada heysta isagoo soo galay ciidamada 1970-kii kana mid ahaa kooxdii heegan waxaan uu ka cawday qolkiisii oo laga bixiyey meel uu aadana uusan garaneyn.
Ilaa hadda kama hadlin maamulka dugsiga Janeral Kaahiye eedeynta loo jeediyey waxaana suugaanyahanka,abwaanka Somaliyeed Sugaal Cabdulle Cumar ayaa banaan joog ka ha gurigii uu ka deggenaa dugsiga Janeral kaahiye markii looga bixiyey inuu deggo nin ajnabi ah iyo xaaskiisa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com