Akhristoow ha dheyelsan:-Gumaad ka dhacay Muqdisho+Warbixin Yusuf Garaad

Friday, March 22, 20130 comments



Ciidamadda Nabadsugida Dowladda Federalka ayaa Xabsiga kala baxay Sagaal ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab kadibna inteey dileen ayey meeydkooda ku tuureen degaanka Gubta iyagoo isku xir xiran .

Sagaalka nin ee Al-Shabaabka ayaa qaarkood hoowlgalo lagu soo qabtay halka kuwa kalena Dowladda isu dhiibeen.

Dhalinyarada la gumaaday sedex waxay u dhasheen qabiilka Abgaal, laba waxay u dhasheen Ceyr Habargidir,hal wuxuu u dhashay Saleebaan Habargidir, mid kalena waa reer Xamar, labada kalena waa Murusade.
  
Falkaan foosha xun wuxuu meel uga dhacay xaquuqda Aadanaha iyo Hanaanka Dowladnimadu maxaa yeelay waxay ahayd in dimbiilayaashaas Maxkamad la horgeeyo oo kadibna la xukumo si loo toogto laakiin waa arrin aan la dhayalsan karin in habeen madoow lagala baxo Xabsiyada kadibna inta la isku xiro la xasuuqo iyadoo aysan jirin Maxkamad dil ku xukuntay.

Falka dhacay wuxuu sawir ka bixinayaa Sida Madaxda Dowladda Federalka ugu xadgudbeen Cadaaladda iyo sharciga ku qoran Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Waa arrin lagu farxo in dhamaan toogasho lagu wada xakumo argagixisada laakiin maaha arrin la qaadan karo in Maxaabiista la gumaado si naxariis daran.

Wariyaha u xuubsiibtay Siyaasiga ee weyn Yusuf Garaad Cumar ayaa Bogiisa Facebook wuxuu ku qoray qorma uu ugu magacdaray AKHRISTOOW HA DHEYELSAN :-

AKHRISTOW HA DHEYELSAN!
Waxaa i soo gaaraya tafaasiisha warar laga arga-gaxo oo ku saabsan dhallinyaro Xabsiga Muqdisho ku xirnaa oo meydkooda laga helay xaafado Muqdisho ku yaalla. Dhallinyaradaas waxaa looga shakiyay ayaa la leeyahay in ay al Shabaab ka tirsanaayeen. Laakiin laguma caddeyn mana jirto Maxkamad xukuntay, dagaalna kuma dhiman oo Gacanta dowladda ayay ku jireen. Inkasta oo qaraxyo iyo dil ay socdaan haddana dowladdu kuma dayan karto dadka falalkaas sameynaya. Arrinku sidaa ma u dhacday? Dhab ma tahay dhallinyaro ay dowladdu soo xirtay in meydkooda dariiqa laga helay? Ma ahan wax laga aammusi karo! Dowladdu waa in ay caddeysaa sida arrintaasi ku dhacday. Waana in aan lala daahin in run lagu qanci karo bannaanka la soo dhigaa. Haddii saraakiisha ama sarkaal dowladda ahi uu lug ku yeeshana waa in sharciga la mariyaa. Qoysaskii dhallinyarada laga laayayna waa in ay helaan magdhow iyo weliba raalli gelin ay Madaxda dowladda ugu darreysaa ay bixiso. Waa iga talo inta ay goori goor tahay!





Xigasho waagacusub.com













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog