Dunidaan
aynu guudkeeda saaranahay waxa ku nool qomiyado kala duwan kuwaas oo aan isku
diin, isku af, iyo isku dhaqan toona ahayn, balse wax ay kawada siman yihiin
jaceylka, hinaasaha ama maseyrka iyo waxyaaba kale.
Qarniyadii
hore jaceylka waxaa uu ahaa mid ay dadku aad u qadariyaan aadna u qiimeeyaan.
Waxaynu ognahay in dad badan ay u dhinteen jaceylka halka kuwa kalana
dhibaatooyin badan kala kulmeen.
Dadka
baalka lama ilaabaanka ah ka galay taariikhda jaceylka waxaa ka mid ah jaceylkii
Cilmi boodhari iyo Hodan, Qeys iyo leyla, Cantar iyo ceebla.
Qarnigaan
aynu ku jirno dad badani waxa ay aaminsanyihiin in jaceylku yahay wax jira,
halka kuwa kalana ay u heystaan in jaceylku uu yahay wax aan jirin oo ku kooban
afka oo kaliya oo aanan uurka jirin.
Laakiin
waxaa xaqiiqa ah in jaceylku yahay wax jira kaasi oo ka bilowda ka helitaan
iskuna bedela dareen ku abuurma qofka qalbigiisa, dadka aaminsan in jaceylku
aan ahayn wax aan jirin waxaan dhihi karnaa waa kuwa aan fahansaneyn wax uu yahay
jaceylka oo aan wali wax jeclaan.
Inta
aanan ugudbin dulucda maqaalka oo ah (sidee ku kasbankartaa qalbi kaa
janjeera?) ayaa waxa laga yaabaa in ay dad badani, is weydiinayaan su,aasha ah
waa maxay qalbi kaa janjeera? Qalbi kaa janjeera waa qof aad gaclootay oo
isagana aanan u soo jeedin jaceylkaaga ama ku mashquulsan qalbi kale.
Dhalinyaro
badan ayey arintaani lasoo gudboonaatay kuwaasi oo qaarkood ku degdegay in ay u
soo bandhigtaan jaceylkooda qofkii ay jeclaadeen iyagoo aan isweydiin maxaa
kaaga imaan kara.
Waxa
dhacda inta badan in qofkii ay u soo bandhigteen jaceylkooda uu soo dhaweeyo
soo dhaweyn aan uurka jirin balse ay katahay niyad dhis, iyadoo qofkii jaceylka
hayayna uu u qaato inuu ku guuleystay jaceylkiisa oo uu helay qalbigii uu
gaclooday.
Laakiin
muddo ka dib ayuu ogaadaa in uusan helin jaceylkiisa oo uu ku guul dareystay
kasbashada qofkii uu qalbigiisa u taamayay.
Taasina
waxa ay sababtaa niyad jab weyn iyo iyadoo qalibigiisu soo gaadho dhaawac
xanuun badan.
Qaar
kale oo ka mid ah dhalintaan waxaa ay danta ku kaliftaa in ay qarsadaan
jaceylkooda intii ay guul daro iyo xumeyn kala kulmi lahaayeen u soo bandhigida
qofkii ay jeclaadeyn.
Taasina
ma ahan mid uu qalbigooda ku bogsanayo, waxaana kusii kordhaya jaceylka iyo
rabitaanka uu u qabo qofka uu jacelyahay, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa
waxaad qarsato weey ku qarsadaan.
Hadaba
akhristoow hadii ay kula soo gudboonaato arintaan oo kale oo aad weydo sidii
aad u heli lahayd ama ku kasbanlahayd qofka aad jeceshahay qalbigiisa, waxaad
kaga bogankartaa dulucda maqaalka oo ah Sidee ku kasbankartaa qalbi kaa
janjeera?). Sidaaad ku kasbankarto qalbi kaa janjeera wey fududahay hadii aad
sameeyso shuruudahaan soo socada.
1.Ugu
horeyn hanoqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka aad jeceshahay
fariiintaada jaceylka.
2.
Waa inaad tahay qof furfuran dabeecad wanaagsana leh.
3.Hadii
aad tahay dumar waa inaad ahaataa qof xishood badan.
4.Waa
inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh.
5.Hadii
aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd qofka aad
jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay adigoo aan weydiin qofka
aad jeceshahay, Balse raadi wada kale oo aad ku ogaan karto sida adigoo ka
wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu
waxa uu yahay.
6.Mar
walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.
7.
Ogoow jaceylku indha malahan, Qofka uu qalbigaagu raacay hadii uu yahay qof
balwadiisu wanaagsaneyn ku dadaal sidii aad uga waanin laheyd adigoo hadalo
macaan kulahadlaya.
8.Qofka
aad jeceshahay hadii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku kala nooshihiin
ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo telifoon kula hadlaya
ama waraaqo lagu xardhay ereyo qalbiga u roon ugu diraya aalada casriga ah ee
internetka. Hadiise aad hal wadan wada joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan
waa inaad mar walba ku soo dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.
9.Qofka
aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan noqo qof ka warqaba
oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.
10.
Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogo.
11.
Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya balanta.
12.
Kudadaal in aad u hadiyadeyso qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu
xiiseeyo. Ogowna hadiyadeynta waxey qeyb libaax leh ka qaadataa kobcinta
jaceylka.
13.waxaad
ogaataa in kalsooniduna waad ku kasbankartaa.
14.walagamaan
in aad faraxsanaato intaat qalbiga kajeeda aad soo jeedsan.
Guntii
iyo gabagabadii hadii aad intaa sameyso adigoo alle ku xiran waxaa xaqiiqa ah
inaad kasbaneysid qalbigii kaa janjeeray waliba adoo afkaaga uga sheegan
jaceylka aad u qabtid oo uu isaga kaalasoo hormari doono jaceylka aad
qalbigiisa ama qalbigeeda ku abuurtay.
Waxaan
ku soo gabagabeynayaa qoraalkeyga in aad dhalinyahay noqotaan kuwa ka fogaada
waxyaabaha xunxun ee ay reer galbeedka ku dhaqmaan oo aanay diinteena islaamka
waafaqsaneeyn.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com