Arimahaan Ragga Madax Faluuq Ayay Ka Qaadaan, Jaceylkana Waa Dilaan Ee Iska Badel.

Sunday, March 24, 20130 comments



Sida aynu horay u soo qornay waxyaabaha ka careysiiya haweenka ayaa qodobkaan waxana ku soo qaadaneynaa arimo badan oo ragga ay neceb yihin oo ay dhibsadaan .

1- Yasidda Iyo Dhaawicidda Dareemaha : jees jeeska ayaa ah arimaha ugu daran ee dhaliya naceybka , waxaana ka dhasha ixtiraam la`aan waxa uuna guriga ka dhigayaa mid marti u ah dood iyo qab qabsi .

2- In Aad In Badan Aad Ka Mashquusho: in haweeneyda ay ninka in badan kaga mashquusho guriga ama banaankiisa , waxa ay tani dareensiineysaa cidlo gaar ahaan haddii uusan jirin wax uu ku mashquulo hadaba gabaryaheey haka mashuulin ninkaada .

3- Maseerka Badan : Maseerka haddii xadkiisa uu dhaafo waxa uu halis gilinayaa xariirka qoyska , waxaana ka dhasha cawaaqib xun ee hadaba arintaan iska ilaali .

4- Qaadashada Talooyin Haweenka Kale Ah : in haweeneyda qaadato talooyin saaxibadeeda u soo jeedinayaan taasi waxa ay tashwiish gilineysa xariirka qoyska .

5- Tix gilin la`aanta : waxaa laga yaabaa in uu ninka leeyahay rajooyin uuna u baahan yahay taageero , gubtanews.com waxa ay ku leedahay hadii aadan sidaas u sameyn waxa uu ninka uu dareemayaa in aadan tix gilineyn taasina waxa uu ka qaadayaa niyad jab .

6- Is Xoojin Iyo Kala Talisnimo : nolosha labada lamaaane waxa ay ku tiirsan tahay is fahan iyo is ixtiraam , ogoow gabaryaheey ninka kama helo kali talisnimada.

7- Cabashada Badan : tanina niyad jab ayuu ninka ka qaadayaa , waxa uuna ka cararayaa in uu kuula sheegeysto oo uu wax ka dhageysto ee gabaryaheey arintaas il gaar ah u yeelo .















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog