Arin Aay Ku Baraarugsaneyn Soomaalida Oo Daraasad Lagu Sheegay Iney Sababto Furiinka.

Wednesday, March 20, 20130 comments


Xog uruurin laga qaaday 2,000 waalid, ayaa lagu ogaaday in oohinta ubadka ee habeenkii xilliyada dambe ay qayb weyn ka qaadato kala-tagga aabbaha iyo hooyada.

Dadka cilmi-baadhistan ka qaybgalay ayaa 30% ka mid ah waxay isku fureen ubadkooda oo habeenkii xilliyada dambe ooya, halka 11% ka mid ahna qireen inay iska dhego mariyaan oohinta carruurtooda yaryar, hooyaduna isku daydo inay amusiiso, sidoo kalena 11% kale ayaa sheegay inay albaabka ka xidhaan marka ubadku ooyayaan ee hooyadu aamusiinayso.
  
Halka hooyooyinka qaarna tilmaameen inay 100 daqiiqo dibadda ugula cararaan ilmaha si ay odaygeeda uga fogayso qaylada oo aannu hurdada uga toosin.

Xog-ururintan oo uu hormood ka ahaa telefiishanka la yidhaa Channel 4, waxa ka qaybgalayaasha lagaga xog-waraysanayey in ubadku hurdada ka qasaan waalidiinta, balse waxa ka soo baxday arrin cajiib ah oo iftiimisay in furiinka iyo burburka qoysaska ay inta badan sababaan ubadka xilliyada dambe baraaruga ee ooya.

Drs. Tanya Byron oo ah khabiirad cilmi-nafsiga ku takhasustay, kana qaybqaadatay barnaamijka telefiishanku xog-ururintan ku soo bandhigtay, ayaa iyadoo arrimahaas ka hadlaysay waxay tidhi; Waxaan arkay dad badan oo ubadkoodu hurdada ka rabshaan oo dhibaato ku noqdaan, iyagoo aad uga murugooda, isla markaana aabbayaasha qaar kaba tagaan qoyskooda.

Waxa hubaal ah in aan waalidiinta waqtigan dulqaad u yeelan ubadkooda, isla markaana aanay ku rabayn in ay hurdo fiican helaan, haddii ay caafimaad qabaan.

Waxa kaloo daraasaddani sheegtay in waalidiinta, gaar ahaan aabbuhu uu aad uga cadhoodo marka ubadkiisu ku ooyaan isagoo hurdo fiican ku jira, taasina ay sababto markay soo noqnoqoto in waalidku kala tagaan.

Ubadka ayaa caado waxa u ah markay aadka u yaryar yihiin inay saqda dhexe baraarugaan si hooyadood u quudiso, isla markaana u naas-nuujiso, balse aabbaha wuxuu aad u jecel yahay, ugana cadhoodaa in hurdada laga dhex galo.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog