Raysalwasaarihii hore ee dalka
Talyaaniga Silvio Berlusconi ayey maxkamada dalka Talyaaniga ku xukuntay hal
sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dacwad lagu soo oogay oo la xariira
inuu bixiyey xog xasaasi ah.
Silvio Berlusconi ayaa lagu eedeeyey
inuu xog sir ah oo laga soo duubay talefoonada Booliiska Talyaaniga uu si hoose
u siiyey Jaraa’idka uu leeyahay ee kasoo baxa dalkaasi Talyaaniga.
Maxkamada ayaa ku xukuntay 1 sano
inuu xabsiga galo hogaamiyihii hore ee Talyaaniga, kana mid ah madaxda
xisbiyada dalkaasi, Berlusconi ayaa sidoo kale ah maalqabeen leh inta badan
warbaahinta madaxa banaan ee dalkaasi Talyaaniga.
Balse waxay u badan tahay in
Berlusconi uusan geli doonin wax xabsi ah, maadaama la sheegay in uu xukunkan
racfaan ka qaadan doono. Taasi oo meesha ka saaray xukunka Maxkamada darajada
1aad.
Sharciga dalka Talyaaniga ayaa qoraya in qofkii ka weyn 75
sano oo ay maxkamad ku xukunto wixii ka yar 2 sano oo xariga ah, aysan khasab
ahayn inuu xabsiga galo. Silvio Berlusconi ayaa isagu hada jira 76 sano.
Dhinaca kale waxaa weli ku socota
Berlusconi labo dacwadooda oo la xariira inuu saaxiib la ahaa gabar aan
qaangaar ahayn iyo waliba dacwado la xariirta musuq maasuq intuu xilka
Raysalwasaaraha hayey.
Silvio Berlusconi ayaa bishii lasoo
dhaafay dib ugu soo noqday siyaasada dalka Talyaaniga, isagoo xisbigiisa kamid
ahaa labadii xisbi ee ugu cododka badnaa doorashadii guud ee ka dhacday
dalkaasi. Xisbiga uu hogaamiyo Berlusconi ayaa hada heysta kuraasta ugu badan
ee Golaha Odayaasha Talyaaniga (Senate), sidoo kale Golaha Wakiilada ayuu
xisbigiisa kamid yahay kuwa ugu kuraasta badan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
