Soomaali la sheegay inay ahaayeen Christian oo lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo iyo warar sheegaya in…

Friday, March 8, 20130 comments


Shabakad ka hadasha arrimaha Masiixiga laguna magacaabo Christianpost ayaa ku daabacday 04-03-2013 boggeeda hore in nin soomaali ah oo sida ay sheegtay ka baxay diintiisa islaamka galayna kirishtaanimo lagu toogtay gudaha magaalada Kismaayo xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ahmed ayaa la sheegay inuu da,ahaa uu jiray 42-sano jir waxayna shabakadda Christianpost ku sheegtay sidoo kale inuu ahaa Macallin dhinaca Caafimaadka isla markaana ay dilkiisa geysteen Labo nin oo wajiyada soo qarsaday.

Shabakadda soo daabacday warbixintan ayaa sheegtay in dilkiisa la rumeysan yahay in ay ka danbeeyeen Al-Shabaab ee laga saaray magaalada Kismaayo, warbixinta waxay kaloo daaha ka rogtay in shaqsiyaad kale oo Somali Christian ah lagu kala dilay magaalooyinka Baladweyne, Baraawe iyo meelo kale.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog