Dagaalamayaasha Jabhada Raaskanboni ayaa habeenkii xalay ahaa laga saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose kadib markii ay shacabka magaaladaasi xalay fowdadii ugu darneyd ay kula dhaqaaqeen.
Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ay amar ku siiyeen maleeshiyaadka in ay duleedka ka tagaan magaalada Kismaayo oo ay ku luga aruursadaan Madaxtooyada kadib markii ay shacab mudaaharadayay ay jir dil u geesten boorarkii mudaaharadkana ay ka jeex jeexeen.
Goob joogayaasha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in amarkaasi si dhaqsa ah ay ugu hogaansameen Ciidamadii Raaskanbooni ayna dubrbadiiba magaalada ka bexeen, magaaladana ay amaankeeda sugayaan ciidamada Kenya halka ciidamadii meleteriga ahaa ee dowlada Soomaaliya ay u dirtay xilligaa ay ku suganyihiin Garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Dhanka kale, Amxed Madoobe, Cabdi Naasir Seeraar iyo saraakiil kale oo dhamaan kamid ah hogaanka Raaskanooni ayaa looga yeeray Kenya iyaga oo shalayna ka duulay garoonka Kismaayo, iyada oo lafilayo in loo soo yeeriyo waxa ay ku dhaqaaqi lahaayeen.
Ilo xog ogaal ah waxa ay xaqiijinayaan in kadib wada hadal dheer oo dowlada Soomaaliya iyo Kenya ay yeesheen leesla afgartay in meesha laga saaro waxa loo yaqaanno Jabhad si deris wanaaga labada dal uu u sii jiro, lana filayo in Axmed Madoobe uusanba kusoo laaban doonin Kismaayo, dagaalamayaasha Raaskanboonina hubka laga dhigayo magaalada amaankeedana ay la wareegayan ciidamada meleteriga ah ee garoonka diyaradaha ku sugan, kuwaas oo qorshaha in ay ka qeyb qaataan markii horaba loo sii diyaariyay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com