
Dhacdo
xanuunbadan ayaa ka dhacday Magaalada Manchester ee ku taala waqooyiga England
kadib markii afar kamid ah eeyaha ku nool Magaaladaasi ay weerareen gabar 14
sano jir ah oo joogtay guri gabdho saaxiibo ah ay ku nolaayeen.
Eeyaha
ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen kuwo dhaqan xun oo aad u caraysnaa , waxaana
ay gabadha weerareen iyadoo cunaysa Bur hilib lagu dhex sameeyay, waxaana ay
eeyuhu gabadha ka qaniineen dinaca dhuunta , iyadoo gabadha yari isku dayday in
ay la dagaalanto hase ahaatee waa ay ka awood roonaadeen kadibna dhiig bax uga
tageen gurigii ay gabadhu ku sugnayd.
‘’
Gabadhu waxaa ay joogtay Guriga saaxiibadeed, mana jirin cid la joogtay oo
kaligeed ayay ahayd , waxaana ay halkaasi u tagtay sidii ay gabdhaha
saaxiibadeed ah ula soo caweeyn lahayd maadaama ay iskulada Manchester ay ku
jireen fasaxa loo yaqaano easter Holiday.
Dadka
dariska la ah guriga gabadha eeyuhu ku cuneen ayaa u yeeray booliiska kadib
markii ay arkeen Eeyahaha caraysan iyo qaylada gabadha waxaana ay booliisku
bilaabeen in ay weerar ku qaadaan Eeyaha kadibna ay dilaan afar kamid ah
eeyahaasi .
Booliiska
ayaa waxaa u suurto gashay in ay gudaha u galaan guriga kadibna ay la kulmaan
gabadha oo iyadoo miirla taala guriga dhexdiisa oo waliba dhiigbaxday, waxaana
ay xakameeyeen eeygii shanaad oo ay baarayaan in uu faldanbiyeedkaasi ku
luglahaa.
Goobta
uu ku yaala guriga ay gabadhu joogtay ayaa waxaa ku yaalay boor ay ku qoran
tahay ka digtoonaaw eeyga ‘Beware of the Dog’, waxaa ay booliisku sheegeen in
ay bilaabayana baaritan la xiriira qaabkii ay u dhimatay gabadhaasi , qaabkii
ay u suurto gashay in eeyuhu gabadha weeraraan iyo arrimo kale oo la xiriira
hadii ay jiraan dad falkaasi ku lug lahaa.
Ma
ahan m-arkii ugu horeeysay ee ay Eeyo weerar ahi ku cunaan dad wadanka Britain
ee waxa ajirtay sanadkii la soo dhaafay in ay eeyuhu cuneen dhawr qof oo qaar
kood ay ku noolaayeen London.
Dawlada
Britain ayaa soo saartay go’aan ah in lagula xisaabtami doono falkii uu eey
gaysto milkiilaha ama cida xanaanaynaysa eeyga.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
