Qaraxyo laba ah hasa yeeshee kala
duwanaa sida loo fuliyay ayaa galabta waxaa lagu qaaday maqaayada Indian Ocean
oo ku talla xeebta Liido degmada Cadbdi Casiis ee gobalka Banaadir.
Weerarada oo ilbiriqsiya uun ay u
dhexeeyeen ayaa waxa ay kala ahaayeen mid uu fuliyay ruux naftii hura ah iyo
mid kale oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ladhigay
Irida hore ee Maqaayada.
Sida dad xaadir ahaa markii wax
dhacayeen ay xaqiijiyeen shan ruux ayaa dhaawacantay laba ruux oo uu kujiro
ruuxii ismiidaamiyayna way ku dhinteen labada weerara ee l lala eegtay Maqaayada.
Wali lama sheegin waxa uu ahaa
bartilmaameedaka werarka iyada oo bur bur xooggan uu geestay qaraxa ka dhacay
irida hore ee maqaayada, waxaana inta la’ogyahay ku bur buray afar gaari halka
derbigii maqaayada marka ay ugu yartahay uu kadumay 10 mitir.
Wasiirka Amaanka qaranka iyo arimaha
gudaha Soomaaliya iyo saraakiil lasocotay ayaa goobta tegay si ay u soo indha
indheyaan wixii dhacay, waxaana maqaayada laweeraray ay kasoo horjeedaa
Maqaayada kale ee Liido Sea Food oo bishii hore laweeraray
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com








