WAW DEG DEG AH Qaraxyo ismiidaamin ah oo daqiiqao ka hor gilgilay maqaayadku taala Xeebta Liido

Friday, March 1, 20130 comments


Qaraxyo xoogan ayaa goor dhoweyd abaarihii 3:00 galabnimo iyo daqiiqado waaxy ka dhaceen nawaaxiga xeebta Liido oo ku taala degmada C/casiis ee gobolka Banaadir sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Labada Qarax oo ahaa kuwo aad u xoogan ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho guud ahaan, waxaana qaraxyadani ay dhaceen xili maanta ay tahay maalin Jimce ah oo xeebtaas ay u damaashaad tagaan dadweyne fara badan.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxyada midkood uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu xoog ku galo Baar lagu magacaabo Indian Ocean oo halkaas ku yaala, halka kan labaadna uu fuliyey nin waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xirtay.

Illa hadda faahfaahin faahfaahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay hase ahaatee ciidamada dowlada iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah ah Ambalunce ah aya halkaas u kala ordaya iyadoo xaaladu ay cakiran tahay, waxaana jira warar sheegaya.
La soco wixii soo kordha









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog