DAAWO MUUQAAl Mujiso Ah Gabar Yar oo Wajigeeda Tin Wada Dabooshay

Friday, March 22, 20130 comments



DAAWO MUUQAAl Mujiso Ah Gabar Yar oo Wajigeeda Tin Wada Dabooshay


Muuqaal la yaab leh ayaa laga soo duubay gabar yar oo noqotay tan aduunka oogu timaha badan. Gabadhaan meesha ay ku nooshahay waxaa looga yaqaan daanyeer.

Gabadhaan ayaa waxaa jirkeeda dhan qariyay timo gaar ahaan wejigeeda iyo dhabarkeeda, gabdhaan ayaa magaceeda waxaa la iraahdaa Supatra waana 12 jir. Supatra ayaa dhigata iskuul macaliimiinteeduna waxay sheegeen inay tahay ardayga oogu caansan dugsigaasi.

Supatra ayaa ah gabar aad u dadaal badan waxayna rajeynaysaa inay dhaqtar noqoto.
  
Inantaan yar ayaa u dhalatay dalka Thailand.

Supatra ayaa dhagaheeda, gacmaheeda, iyo wejigeedaba waxaa isqabsaday timo. Gabadhaan ayaa maskixiyan ah qof caadiya waxayna aad u xiisaysaa dabaasha, muusiga iyo inay saaxiibadeed la ciyaarto.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay inaysan haatan wax ka qaban karin xaaladeeda. Gabadhaan ayaa la sheegay inay tahay mid aad u firfircoon lehna shaqsiyad wanaagsan taasoo ay ku hanatay saaxiibo badan.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog