Gaadhiga
U Gaarka Ah Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama, oo ah gaadhi si gaar ah
isaga loogu farsameeyay, isla markaana leh difaac adag, ayaa ku xumaaday
shidaal si khaldan loogaga shubay dalka Israel, taas oo sababtay in raacistii
gaadhiga gaarka ah ee madaxweynuhu dhici waydo.
Gaadhiga
Madaxweyne Obama oo lagu magacaabo, (Monster) ama Waxshi, waa gaadhi difaaciisa
iyo qiimihiisaba lagu tilmaamo kuwa dunida ugu sareeya, hasa yeeshee gaadhigan
ayaa la sheegay in shidaal khaldan lagaga shubay dalka Israel, taas oo sababtay
in gaadhigu xumaado oo dhaqaaqi waayo, ka dibna farsamo yaqaanada aqalka cad ku
dawakheen.
Gaadhigan
Obama oo muddooyinkii u danbeeyay safaradiisa dibada loo qaado, ayaa noociisu
yahay, (Cadillac Motors), kaas oo difaaciisu u dhan yahay, sida la sheegayna ka
difaacaya madaxweynaha xitaa haddii weerar hubka nukliyeerka ah lagu soo qaado.
Waxa
kale oo uu leeyahay difaac adag oo ka samaysan aaladaha ugu adag dunida, kuwaas
oo xitaa miinooyinka dhulka lagu aasaa aanay waxyeelayn karayn sida la sheegay.
Gaadhigan
oo dherarkiisu yahay ilaa sideed iyo toban feet, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay
sidii kaare taayiro leh oo habka raaxada loo sameeyay oo kale, waana mid difaac
ahaan kaligii ku filan inuu sugo ammaanka madaxweynaha Maraykanka, haddii halis
ama weerar haleelo.
Gaadhigan
oo laga sameeyay macdanaha Birta, Aluminum, titanium iyo Ceramic, waxa uu
leeyahay dhuumo laga rido suntan dadka kaga ilmaysiisa, waxa kale oo uu
leeyahay dhuumo laga rido rasaasta cinjirka ah iyo mid nool haddii loo baahdo.
Gaadhigan
ayay u dhan yihiin waxyaabaha caafimaad ahaan uu madaxweynuhu u baahan karo,
iyo qalabka wax lagu baadho, (Medical Laboratory), waxa kale oo saaran baagag
dhiiga madaxweynaha oo haddii dhaawac gaadho loogu tala galay in deg deg loogu
shubi karo haddii dhiig bax ku yimaado dhiig cusub.
Inkasta
oo gaadhigan si wayn loo ilaaliyay tayadiisa iyo hanaankiisa difaac, haddana
mar kasta sida ka dhacda, aadamaha laguma guulaysan in la sii hubiyo shidaalka
lagu shubay inuu fiican yahay iyo in kale, waana ta sababtay in uu sidaa ku
cadilmo.
Obama
ayaa dantu ku kaliftay in uu Madaarka magaalada Qudus ka soo raaco ama lagaga
soo qaado, diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ciidamada Maraykanku leeyihiin,
ka dib markii uu ku xumaaday shidaalkaas khaldan ee lagu shubay.
Socdaalkiisa
Israel ee Obama ayaa waxa hadheeyay dibad baxyada ay dadka reer Falastiin ee
socdaalkiisa ka cadhaysani samaynayaan, taas oo sababtay in Madaarka
(Ben-Gurion), ee magaalada Qudus lagaga soo qaado diyaarad Helicopter ah, oo
lagu geeyay qarsiga looga arimiyo dalka Israel, Falastiiniyiinta ayaa la
sheegay in ay xidheen jidadka ka yimaada Madaarkaas.
Faysal
Maxamed Xasan
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com






