Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saaka howl gal waxa ay ka sameeyeen degmada Yaakhshiid ee gobalka Banaadir iyaga oo kusoo qabqabtay hub iyo rag iyo dumar Shabaabnimo ku eedeysan.
Khaliif Axmed Ereg oo ah ninka ugu sareeya taliska nabad sugidda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu saxaafada Soomaalida u soo bandhigay sedax iyo toban ruux oo mid kamid ah ay tahay haweeney Soomaaliyeed kuwaas oo uu sheegay in lagu tuhmayo Shabaabnimo.
Taliye Ereg ayaa xusay in dadkan laga soo qabtay guri ku yaala xaafada Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaakhshiid iyaga iyo hub fara badan oo kala nuuc ah.
Waxa uu balan qaaday in cadaalada lahaleeshii doono dhamaan 13-ka qof oo laga soo reebay boqolaal dad ah oo subaxnimadii hore lala qabtay, hasa yeeshee markii danbe lasii daayay kadib markii ay cadaatay in aysan Shabaab ku lahaayeen.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com