Cabdi Kariim Xusseen Guuleed,
wasiirka arimha gudaha iyo amaanka qaranka xukuumada Soomaaliyeed ayaa waxa uu
maalintii Axada aheyd isaga oo ka hadlayay xaflad xil wareejin ah oo ka
dheceysay gobalka Baay waxa uu si aan horay loo arag ugu geestay meel kadhac
qaar kamid ah bulshada Soomaalida.
“Dadka ugu baahida badan Soomaalida
ee meel kasta ku rafaadsan caawimaadana u baahan waxa ay kasoo jeedaan
gobalkaan Baay”, sidaas waxaa ka shegay goobtii xil wareejinta Cabdi Kariim
Xusseen Guuleed.
Hadalka wasiirka kasoo yeeray waxa ay
ucuntami weysay qaar kamid bulshada kasoo jeeda gobalka bay oo kutilmaamay
hujuumid gaar ah, waxa ayna itaa kudaren in aysan kabaahi badneyd Soomaalida
kale.
Shalay ayaa xilka waxaa kula kala
wareegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay gudoomiyihii hore ee
gobalkaasi iyo gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee dowlada Soomaaliya ay u
magacaawday, halkasi oo ay xaadir ku ahaayeen wasiirada arimaha gudaha iyo
gaashaandhigga.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com