Warbaahinta Dalka Talyaaniga ayaa soo
bandhigtay Sawiro muujinaya xaaska madaxweyne Obama oo slaaanta laga qaadi
waayay, waxaana sawirkan uu dhaliyay buuq badan.
Ra’isul wasaarihii hore ee Dalka
Talyaaniga Silvo-Ber-leskooni ayaa salaanta ka diiday inuu ka qaado marwada
madaxweynaha Mareykanka Brack Obama.
Silvo-Ber-leskooni ayaa sheegay in
sababta uu uga diiday salaanta Xaaska madaxweyne Obama ay tahay isagoo
caadeysan inuu salaamo Hal qof wax kabadan oo afrikaan ah, wuxuuna sheegay in
qof kasta uu leeyahay wax u gaar ah, taasinaya ay isaga u gaar tahay.
Madaxweyne Obama ayaa ka dalbaday in
hadii hadalkaasi uu jiro uu ka bixiyo raali galin, hadii kalana waxaa uu
sheegay inuu qaadi doono talaabo ku haboon arintaasi.
Wargayska italianwebgallery ayaa soo
bandhigay sawirkan, waxaana ka dhashay buuq badan, iyadoo labada dowladood ay
hada sameynayaan xiriiro hoose oo la xiriira sawirkaan sharaf dhaca ku ah Dalka
Mareykanka iyo guud ahaan Dadka Madow ee Afrikaanka ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com