Amiirka Kooxda Al Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa soo diray fariin maqal ah taasoo uu kaga hadlayo doorashooyinka maanta ka bilaabanaya dalka Kenya.
Abuu Zubery ayaa ugu baaqay shacabka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Kenya in ay ka dhiidhiyaan doorashada la filayo in ay dalkaasi ka dhacdo isagoona tilmaamay dowlada Kenya in aysan isku wadi Karin duulaan dibada ah iyo dagaal gudaha ah.
Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubery Amiirka Al-shabaab ayaa sheegay in mustaqbalka Kenya iyo nabad galyadeeda ay ku xirantahay hadba sida ay u dhacdo doorashada dalkaasi iyo cida ay doortaan shacabka kenya.
Amiirka Al Shabaab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday lahaystayaal Kenyaan ah oo gacanta ugu jira ururka al-shabaab kuwaasi oo uu sheegay in dowlada Kenya ay ku fashilantay sii deyntooda isagoona ugu dambeyn dowlada Kenya ugu hanjabay inta ciidankeeda uu joogo Soomaaliya in aysan ayaguna nabad ku seexaneyn Nairobi iyo Mombasa.
Fariinta hogaamiyaha Al Shabaab ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili maalinnimada berito ah la filayo dalka Kenya in ay ka dhacdo doorashooyin lagu soo dooranayo xildhabaano iyo madaxda ugu sareysa dalkaasi ayadoona baqdin laga qabo qalalaaso ka dhaca dalkaasi inta ay doorashada socoto.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com