Muuqaalka cagta bidix ee Lionel Messi oo laga sameeyay dahab kaliya ayaa la iibgeyn doonaa isbuucaan iyadoo lagu iibinayo lacag ka badan 4 milyan euro.
Xiddiga Barcelona ayaa jabiyay rikoor adduunka ah sannadii 2012 ka dib markii uu dhaliyay goolasha ugu badan ee hal sanno, waxa uu dhawaan dhaafay 300 gool oo uu u dhaliyay intii Barcelona joogay iyo isagoo sidoo kale ku guuleystay markii afaraad oo isku xigta abaalmarinta Ballon d’Or.
Shirkad Japan laga leeyahay oo sameysa waxyaabaha qiimaha leh oo la yiraahdo Ginza Tanaka oo la shaqeyneysa hay’ada caawinta ee Leo Messi ayaa waxa ay sameysay cagta bidix ee xiddiga reer Argentina oo dahab ah, cagtaasoo aheyd tii ugu badneyd ee uu goolashiisa ku dhaliyay.
Cagtaan dahabka ah oo lagu magacdaray Golden Foot, ayaa culeyskeeda uu yahay 25kg, waxaana loo xardhay si qurux badan iyadoo sidoo kale saxiixa Messi qeyb uu kaga yaalo, waxaana suuqa la geyn doonaa khamiista waxaana ay suuqa ooli doontaa ilaa bilowga bisha June.
Cagtaan dahabka ah oo loo sameeyay in lagu xuso rikoorkii 91da gool ee uu dhaliyay 2012 ayaa waxaa lagu qiimeynayaa 5 milyan 250 kun doolar, oo u dhiganta qiyaastii 4 milyan euro.
Lacagtaas ayaana waxaa loogu tabaruci doonaa dadkii ay wax ka soo gaareen musiibadii Tsuname iyo dhulka gariirka ee ka dhacay Japan bishii March 2011. Waana barnaamij ay dhinac ka wado xarunta tabarucaada ee Leo Messi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com

.jpg)
.jpg)