Wararkii ugu danbeeyay ee dab ka kacay magaalada Hargeysa: Warbixin iyo Sawiro layaab leh.

Friday, March 8, 20130 comments



wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in dab ka kacay halkaasi uu sababay gubashada 80 buush oo barakacayaal ay lahaayeen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dabkaasi ay kubas beeleen cooshadahaasi iyo agabyadii dhex yiillay inkasta oo aan lasoo tebin khasaare nafeed.

cooshadaha gubtay ayaa waxa ay ku yiileen Guriga Martida ee State Houseka ee Magaalada Hargeysa iyada oo dab damis goobta gaaray lasheegay in uu kaafi waayay deminta dabka, dabkuna uu siisocday kadib markii ay biyuhu ka dhamadeen.

Goob joogayaasha ayaa waxa ay ku warameen in dadkii lahaa cooshadaha gubtay ay aad u cabanayaan iyaga oo sheegay in aysan heysan meel ay u laabtaan waxa ayna codsadeen in lacaawiyo.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog