Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb si weyn ugu soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, sida, maamulka dowladda, mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca, iyo dadweyne fara badan kuwaas oo lulayay caleemo qoyan.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa waxaa uu u gudbay xarunta degmada halkaasoo ay ku sugnaayeen kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid qeybaha uu ka kooban yahay gobolka Galgaduud, waxayna dadkani wateen boorar iyo sawirada Ra'iisal Wasaaraha.
Ra'iisal Wasaaraha oo la hadlay dadweynaha ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna xusay in degmada Dhuusamareeb ay tahay degmadii uu ku dhashay ayna muhiimad gaar ah u leedahay booqashadiisan.
Sidoo kale, Ra'iisal Wasaaruhu waxa uu u mahadceliyay maamulka Ahlusunna Waljamaacah sida ay isaga difaaceen kooxaha nabad diidka ah oo uu sheegay inay marar badan isku dayeen inay xoog kula wareegaan degmada balse ay u babac dhigeen xoogaga Ahlusunnah, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay maamulka dowladda ee gobolka iyo degmada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com