Maxaa kala heeysta Caawa The Red Devils Man Utd Vs Los Blancos Real Madrid , Weeraryahan Wayne Mark Rooney oo Saxaafada ka Qosliyay !!

Tuesday, March 5, 20130 comments


(Uefa Champions League ) Hadal heeynta ugu badan wararka Caalamka gaar ahaan kuwa Sportiga ayaa noqotay kulanka adag ee caawa dhex maraya kooxaha waa weeyn ee The Red Devils Man Utd Vs Los Blancos Real Madrid. Kulankaan oo ah lugtii ama is aragii 2-aad ee koobka Champions League waxa uu ka dhici doonaa garoonka kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd (Old Trafford).

Is araga wajigii hore oo ka soo dhacay garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabeu labadaan kooxood waxa ay ku soo kala baxeen bareejo 1-1 ah waxaana caawa lagu wadaa in ay soo baxdo tii badisa labadooda. Kooxda Real Madrid ayaa kulanka caawa la soo shir tagtay ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo la xaqiijiyay in uu aad ugu nasiib badan yahay garoonka Old Trafford maadaama garoonkaan uu yahay halkii uu ku soo caan baxay waliba koobab fara badan ku soo qaaday intii uusan aadin dhanka kooxda Real Madrid sanadkii 2009-kii.

Qabiirada ka faalooda ciyaaraha Kubada cagta ayaa intooda badan waxa ay qabaan in Laacib Cristiano Ronaldo qibradiisa iyo halka laga xiri karo uu aad ugu dheereeyo Macalinka Man Utd Mr.Sir Alex Ferguson oo ah shaqsigii Cristiano Ronaldo soo caan bixiyay. Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo intii uu la joogay kooxda Man Utd wuxuu u saftay 184-kulan kaas oo u dhaliyay 186-Gool.

Xiisaha ugu weeyn ee Ciyaartaan ayaa dhalatay ka dib markii labo Computer oo ciyaaraha lagu saadaalin jiray waliba ka kala dhisan dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka ay u kala saadaaliyeen kooxda soo bixi doonta kulanka Caawa ee koobka Champions League . Computer-ka ciyaaraha saadaaliyo ee laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa sheegay kulankaan in ay soo bixi doonto kooxda Real Madrid balse Computer-ka ciyaaraha saadaaliyo ee laga leeyahay dalka Germany waliba Isbuucii la soo dhaafay saadaaliyay in la tumi doono kooxda Fc Barcelona 2 kulan o xiriir ah ayaa waxa uu leeyahay kulankaan waxaa la reebi doonaa kooxda Real Madrid waxaana sidaas koobka Champions League ugu soo bixi doonto kooxda Manchester United.
  
Labadaan kooxood waxaa u safta Laacibiinta Dunida ugu qaalisan waxaana kala wata Macalimiinta kala ah Jose Morinho iyo Sir Alex Ferguson oo labadaba lagu sheegay in 15 daqiiqo gudaheed ay ciyaar dhan natiijadeeda ku badali karaan .Kulankii ugu dambeeyay ee koobka dalka Spain oo Talaadadii hore ka dhacay garoonka kooxda Fc Barcelona ee Camp Nou kaas oo dhex maray kooxaha Fc Barcelona Vs Real Mardid (1-3) waxaa la sheegay in uu garonka ku soo dhex dhuuntay Macalinka Man Utd Mr.Sir Alex Ferguson oo qishayay shaxda ama Taaktikada Tababare Jose Morinho maadaama kulankaas kooxda Real Madrid uu aad muhiim ugu ahaa waliba u soo baxeen Fiinaalka koobka (Copa Del Rey).

Weeraryahanka Qaranka Ingiriiska iyo kooxda Man Utd Wayne Mark Rooney oo Saxaafada la hadlayay mar la weeydiiyay in Cristiano Ronaldo uu aad ugu wanaagsan yahay uguna nasiib badan yahay garoonka Old Trafford ayaa waxa uu ka Qosliyay Saxaafada isaga oo yiri sidatan " Waa sax laakiin Ragii baray garoonka Old Trafford soona gacan qabtay ayaa wali jooga "

Dhanka kale waxaa isla caawa lagu wadaa in ay fooda is daraan koobka Champions League kooxda Borussia Dortmund oo heeysata horyaalka dalka Germany iyo kooxda Shakhtar Donetsk oo iyana soo qaaday horyaalka dalka Ukraine. Labadaan kooxood ayaa kulankoodii hore waxa ay isku macsalaameeyeen bareejo 2-2 ah waxaana soo bixi doonta tii badisaa kulankaan.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog